Sarkaal sare oo ka tirsan booliska kenya oo lacago ka dhacay somalida degan xaafada islii ee magaalada nairobi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sarkaal sare oo ka tirsan booliska kenya oo lacago ka dhacay somalida degan xaafada islii ee magaalada nairobi
April 5, 2014 - Written by Editor:

nairobi(Wajaalenews)Ninka ugu sareeya xabsiga Pangani ee magaalada Nairobi ayaa la sheegay inuu lacago khayaana ah oo aan ku dhaceyn qasnada dowlada uu ka qaato Soomaalida laga soo qabqabto xaafada Islii ee ay Soomaalidu ka dagan tahay Caasimada dalka Kenya.

Xildhibaan Aadan Bare Ducaale oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa sheegay inuu helay warqad muujineysa sida tuugnimada ah ee uu u dhaqmayo ninkaasi kenyaanka ah.

”Warqada Bonet-ka ee la siiyo qofka danbiilaha ah si uu banaanka ugu joogo haddii danbigaa lagu waayana uu dib ugu qaato lacagtiisa ayuu u jaray dad badan oo Soomaali ah min shan kun ayuuna ka qaatay” ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in warqada uu isticmaalo ninkaas uu ka jaro buug uu isagu sameestay oo aan shaabad iyo wax kale toone lahayn.

”Dhamaan dhinacyada ay quseyso arintaan oo uu ugu horeeyo M/Weynaha dalka Kenya ayaan la kulmayaa” ayuu xildhibaanku si kulul u yiri .

In ka badan 1000 qof ayaa dhawaan laga qabqabtay xaafada Islii ee ay Soomaalidu ka dagan tahay dalka Nairobi kuwaas oo la sheegay in badidood aysan iminka xabsi ku jirin laakiin lacago badan laga soo qaatay.

Warar hoose oo aynu heleyno ayaa sheegaya in ninkaas oo aad u argagaxay markii uu ogaaday khayaanadiisa uuna iminka ku dhul ooynaya Soomaalida si aysan cadeymo badan uga keenin kiiskaan cusub ee ku soo baxay.

COMMENTS
LINKS