Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay Muqdisho & Iyo Khilaaf Ka Bilaabmay Qabashadooda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay Muqdisho & Iyo Khilaaf Ka Bilaabmay Qabashadooda
April 14, 2014 - Written by Editor:

Muqdisho(WJN)Iyadoo Habeenkii xalay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmada Kaaraan lagu weeraray labo sarkaal oo ka tirsan Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya oo mid kamid ah lagu dilay halkaasi, halka mid kalena lagu dhaawacay weerarka ayaa Maamulka Degmada Kaaraan, wuxuu ka hadlay rag loosoo qabtay weerarkaasi

Labada sarkaal ee xalay lagu weeraray Degmada Kaaraan, ayaa mid kamid ah la dilay, waxaana lagu magacaabaa Sarkaalka la dilay Axmed Sheekh oo ka tirsanaa ciidanka Nabadsugida Madaxtooyada, halka Sarkaalka kale ee la dhaawacay lagu magacaabo C/raxmaan Garweyne oo ka tirsan ciidanka Hay’adda Nabadsugida.

Weerarka Sarkaalka lagu dilay sidoo kalena midka kale lagu dhaawacay, ayaa waxaa ka dambeeyay rag hubaysan oo aan la heyb aqoonsan, kana baxsaday goobtii dilka ay ka geysteen.

Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxoow, ayaa usheegay Idaacada VOA inay soo qabteen labo ruux oo si weyn loogu tuhmayo dilka iyo dhaawaca loo geystay saraakiishaasi ka tirsan ciidamada Nabadsugida Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Degmada Kaaraan in dilka kadib ay sameeyeen howlgal baaritaano ah oo ay iska kaashadeen ciidan ka tirsan maamulka Degmada Heliwaa, ciidanka Degmada Kaaraan iyo ciidamada Nabadsugida, ayna ugu suuragashay inay gacanta kusoo dhigaan labo ruux oo siweyn looga shakiyay.

Labadaasi ruux ayuu tilmaamay Guddoomiyaha in isla xalay ay ku wareejiyeen Hay’adaha ammaanka Dowladda si loogu sameeyo baaritaan ku aadan tuhunka laga qabo.

In la dilo ama la dhaawaco sarkaal Nabadsugida Soomaaliya ka tirsan ayaa Muqdisho waxa ay ka tahay wax caadi ah, marka loo eego sida loo ugaarsado ciidamada Nabadsugida Soomaaliya.

 

Wajaalenews.net

hargeisa/offcie

COMMENTS
LINKS