Reer Baydhabo Markii Hore Ay Shaki Ka Qabeen Dowladda Soomaaliya Oo Laga Dhaadhiciyey In Dowladda Ay Cadow Ku Tahay;;madaxwayanaha somaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Reer Baydhabo Markii Hore Ay Shaki Ka Qabeen Dowladda Soomaaliya Oo Laga Dhaadhiciyey In Dowladda Ay Cadow Ku Tahay;;madaxwayanaha somaliya
April 5, 2014 - Written by Editor:

bresless(Wajaalenews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa Shir Jaraa’id Oo Uu Ku Qabatay Safaarada Soomaaliya Ay Ku Leedahay Dalka Belgium Waxa Uu Ku Sheegay In Ay U Tageen Magaaladda Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay Sidii Ay Wadahadal Ula Yeelan Lahaayeen Waxgaradka Iyo Odayaasha Dhaqanka Ee Gobolkaasi Ku Sugan.

 

 

Madaxweynuhu Waxa Uu Sheegay In Reer Baydhabo Markii Hore Ay Shaki Ka Qabeen Dowladda Soomaaliya Oo Laga Dhaadhiciyey In Dowladda Ay Cadow Ku  Tahay, Laakiin Markii Dambe Ay Arrintaasi Meesha Ka Baxday Oo Howsha Meel Fiican Ay Mareyso Waxabadana Laga Hadlay .

 

Madaxweynaha Ayaa Waxa Uu Tilmaamay In Colaad Iyo Buuq Ay Wax Ku Sameysmeynin Laakiin Loo Bahanyahay In Wadahadal Iyo Isafgarad Wax Walba Lagu Dhameeyo, Loona Baahanayahay In Markasta La Wadahadlo, Isagoo Intaasi Raaciyey In Bulshada Ku Dhaqan Gobolkaasi Ay Yihiin Dad Aad Iyo Aad Wax Garad U Ah Jecelna Dowladnimada.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ,Ayaa Waxaa U Sidookale Sheegay In Uu Tagayo Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay , Isagoo Sheegay In Waxa Baydhabo Ka Jira Ay Yihiin Dadkii Oo Cabirayo Rabitaankooda, Islamarkaana Uusan Halkaasi Ka Jirin Mishaakil Iyo Colaad.

 

Wajaalenews.net

 

Xafiiska wararka hargeisa

 

COMMENTS
LINKS