Quruxdeeda ku qaddo!!!!!! w/q: ismail c.qadir ismail “maslax” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Quruxdeeda ku qaddo!!!!!! w/q: ismail c.qadir ismail “maslax”
April 22, 2014 - Written by Editor:

Maalintii aan kaa keenay miyiga waxa kaliya ee aan kuusoo kexeeyay waxa ay ahayd inaad wax barato.  Kaaga maan keenin miyigii dhibta badnaa inaad kolba laydha sidii baal u raaacdo.  Malcaamadii aan ku geeyay adiga oo aan ka sal gaadhin ayaad ka baxday.  Iskuulka ayaad I tidhi I gee, waaan kaa ogolaaday.  Waxaan kaaga saaray waxay ahayd adiga oo la jaanqaadi kari waayay iyo ardaydii malcaamada joogay oo aad uga waynayd iyo macalin SAAQA oo isna kugu ul batay.  Maalinkii aan ku qoray dugsiga iyo maanlintii aad fasalka siddeed kaga tagtay waxba isma dhaantid oo inaad wax qorto iska daaye maalintaan balcada kuusoo goynayay waadigii akhriyi kari waayay boodhkiii laamida dhinaciisa ku yaalay.  Mooyaan waxaan aqalka kuugu haysto.

Guriga wax shaqo ah kama qabatid oo aan ahayn maalinka jimcaha oo aad dharka maydho, shaqadaana waad nagu gumaysataa oo todobaadka oo dhan waad taahdaa dugsigana maalinka sabtida waad ka baaqan jirtay adiga oo odhan jiray waxaan ahay bur bur oo meelna ma aadi karo.  Dhar maydhkaaga mooyaane maalinkaa kaama seexano oo rikoodhkaad dhagxaanta naga falaagisaa.  Marka lagu yidhaah naa heesaha iska daana waxaad noogu hanjabtaa kaalaya dharkiina maydha.  Laakiin waxaad doonto dhagaysee heesaha aad dhagaysato ayaaba ah kuwa dhaqan xun oo aan ahayn wax qof ku haboon inuu dhagaysto. Waxaan maqli jiray heesuhu iyaga oo wada danbi ah ayaa heesaha qaar yihiin danbi danbi saaaran oo midhaha heestu ka samaysan tahay ayaaba fadaraa. Intii aad dhagaysan jirtay wadnahaa I dhag leh waxay ahayd saleelo. Immika waxa aad dhagaysataa xubneheena dareenka yaa isku beega iyo haddii aan jacayl jirin jaar lama ahaadeen. Jacaylkaaga mooyaane carruurtii xaafada ayaa heesahaagaa ku fadaroobay oo waxaas aad dhagaysanayso run mooday oo la kala kari la’a yahay.  Waligaaba heesa waad jeclayd taasina waa wixii uu macalin SAAQI kugu dili jiray.

Siddeedii sano  waxaad dugsigii kasoo kordhisay maan arag maxaa yeelay carruurtaii mar la idin wada qoray dugsiga hooyooyinkood iyagaa waraaqaha ay dirayaan u qora kuwa loosoo dirana u akhriya.  Laakiin anigu kolba ilmo qalaad ayaan la baryaa.  Waxba haba ii qorine hana ii akhriyine dadkaasaan iska baryiye, dagaalka uun kadaa dhasha reerohooda wax u baranaysa.  Inantii yarayd ee aad maalintii basbaaska indhaha kaga shubtay sidii ayay waxbarashadii kaga hadhay.  Waana la ii sheegay in maalin macalinka xisaabtu ku wadiiyay isku dhufashada oo aad garan wayday.  Waananan la socday inaad ahayd ardayda riwaayadaha iyo heesaha lagu majeeto.  Ee tacliinta lagala quustay.

Waxaas oodhan waxaa igaga daran arooskan joogtada ah ee aad  habeen walba aadayso ee aad saqda dhexe ka imanayso.  magaalada waxaad joogtaa toban iyo jar jar sano walina reer miyi ayaa tahay maxaa yeelay miyaanad ka baxayn ciyaar gud.  Inaad aroosayada ka boodo ayaan ka jecelahay inaad aqalka joogto, maxaa yeelay  Habeenka aad joogto waa ii saamalayl.  waxaan ka baqaa inaad iska baxdo oo aqalka la gurto.

Xaafada markaad joogtana waa kuu boodo iyo dagaal joogto ah,  dadka xaafada kula daganna qof kali ah ma heshiisaan.  Markaad dugsiga ka timaado ayaad aadaa meel aad eedo.  Dhawr jeerna waxaa lagaasoo sheegay adiga oo sii galaya meelo aan lagaala raali ahayn.  Dhawr cisho oo aan kuray kaa dabo dirayna wuu kaasoo warami waayay.

Reerkiinii miyiga abaaruhu ku dubteen adiga ayay ku naawilayeen oo ay is lahaayeen inanbaa magaalada idiin joogta oo wax idiin baranaysa. Rajo iyo rukun ay ku tiirsadaan ayay ku moodayeen, kaamana ay filanayn marna sidan.Reerkiiniia riyadoodii waad beenisay anna waad I tacab qasaaarisay adna waad is qadar jabisay.  Haddaad doonto iskaba heesoo maalmahan danbe waxaa xanteedu isoo gaadhaysaa inaad qaadka iyo qiiqaba u khamradooto.  Sideenad waxaas iyo wax ka xunba u baranayn waxaan ogahay nolosha fanaaniintee iyo waxyaabaha rukunka u ahe.

Intii aan  waxan lagugu sheegin waxaad u e kayd cadceed soo baxaysa waxaad lahayd inan dhag iyo dhabanba leh dadka oo dhan waxa ay odhan jireen quruxdeeday wax ku heliye daaya.  Laakiin immika waxaad noqotay quruxdeeda ku qaddo.  Barigii hore waxa aad ahayd inan yar oo oogadeeda xil iska saarta laakiin immika waxaa lagu moodaa guun guur ka rajo dhigtay.  Haaf iyo shaadh aad ku taagan tahay hadh iyo habeen mooyee dhar kale waxaad xidhataa markaad xaflad iyo aroos aadayso.  Aroor dhawayd oo aad soo toostay barqadii markii aan ku waydiiyay waxbarashadii ma sidaasaad ku illowday waabad I sahayan gaadhay.

Immika waxaa kaa nastay jaarkii oo dadkuba waxa ay ku faraxsan yihiin xaaladan aad haatan ku sugan tahay.  Waxaa kugu dhacay habaarkii  aayadaa ee ay  kugu habaari jirtay carruurta lagaa dhex goob.  Wallee waataa lagaa dhex goobay ee lagaa waayay.  Waadigaa faraha la galay fadaranimo iyi fanaannimo.

Immika waxaan ogaaday inaad tahay fanaanad wayn oo idaacadaha laga soo daayo heeseheeda.  Waxaan maalin dhawayd maqlayay gabadh heesaysa oo codkaagii oo kale leh.  Nink kula heesayay markii aan  Magaciisa markii aan maqlay waxaan xasuutay inuu yahay fanaanka wayn oo afartan sanno fanka ku gudo jiray isaga oo shan iyo labaatan jir ahna fanka ku biiray.  soo Alla muxuu gaboobay hadana adiga oo aan ku ogahay ayuu kula heesaayay.  Bidaarta ku taala waxaad moodaa garoon diyaarad loo xaadhay.  Alla ma waxaas buu kula ag istaagay.

Aabbahaa in warkaaga loo geeyay ayaan u malaynayaa maxaa yeelay immika igama kaa warraysto. Macaal meherkaagii waakii aan iman.  Dugsiga maalinkaad ka tagtay ayuu kaa calool go’ay.  Heesahaagiina mooyaan inuu maqalay.  Laga yaabaaba inu isna idaacadaha ka maqlay.  Odaygii kuu abtiga ahaa ee afka dheeraa ayaa malaa isna idaacada kaa maqlay oo dabadeed hooyadaa u sheegay.  Oo xitaa kaas muu iman meherkaagii.

Immika fankaagii waad iskaga jirtaa oo walibana carruur baad ku dhashay oo walibana soddohadaana waa fanaanad laakiin soddoogaa waa oday sharaf leh oo islaantan bari hore furay. Ninkan ku qabaana waaba laxamiiste wayn oo inta uu nin fanaani xun yahay xun oo walibana isaga waxaaba la sheegaa inuu yahay kii fankaba kugu daray. Waxaana la sheegaa inuu aqalkiinuba yahay majlis.  Waxaa kaleoo la ii sheegay inaad dugsiga wada dhigan jirteen waxanad ka mid ahaydeen ardaydii dugsiga ee riwaayadaha matali jirtay.

Waxaan aad uga naxaa carruurta aad adiga isagu hooyo iyo aabbo u tihiin.  Markaan idinka idin maqlo ayaan xasustaa inay caarruurtu kala ayaan roon yihiin.  Bal kawarama qof labadiisa waalid fanaan iyo fanaanad yihiin?.

Hadaba immika waakan ninkii ku fadareeyay wuu kusoo furay, saddex carruurana waakan kuusoo xambaariyay,  heesihii uu ku dhiibi jirayna waakan kaaga dhigay meherkaagii.  Wuxuu ku barayba waxan uu ku baday ayaaba kaaga daran.  Bal eeg korkaaga iyo sida uu dubka iyo diirku isugu kaa dhagay miyaanad wax cuni jirin? , bal afkaaga eeg isda ay ilkihii badhku kuu maqan yahay iyo sida ay dibnahaagi u madoobaadeen,  bale eeg sida uu midabkaagii dhalaalayay u dhalan gaddismay, bal eeg lugahaaga iyo sida ay safantu kuu gashay.  ogow towbadi furan. Noloshaadii milgada lahayd iskaga soo noqo oo ku noolaw..

Miyaanad ogayn in fanaannimadu xaaraan tahay oo heesuhu xaaraan yihiin oo ilaahay inay kaa fogeeyaan mooyaane inaanay kuuu dhawaynayn.  Miyaanad ogayn inay fanaaniintu yihiin dad aan wanaag lagu tilmaami Karin oo aad adiguba ilasoo aragtay.  Miyaanad arag inta fanaan ee fanka iska fadhiistay ee ogaaday danbi inay ku jireen adiga maxaa kuu diiday inaad sidoodaa u fikirto.  Waxaaba kuugu filan daliil aad ku aqoonsato xumaanta fanka iyo fanaaniinta oday sagaashan jir ah oo jacayl iyo wax aabbihii kuday ka sheekaynaya.  Shar mooyaane khayr lagama jeeqaaqo.  Miyanad Sulfa Sooraan iyo Faadumo Haldhaa maalinna maqal inay fanka iska fadhisteen oo ilaahay u noqdeen kana towbad keeneen.

COMMENTS
LINKS