Qarax miino oo sadex Carruur ah oo walaalo ah Dilay, laba kalana dhaawacay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qarax miino oo sadex Carruur ah oo walaalo ah Dilay, laba kalana dhaawacay
April 9, 2014 - Written by Editor:

QORULUGUD(Wajaalenews);Qumac Qoriga loo yaqaano Baasuukaha oo dul saarnaa Geed ku yaala Deegaanka Qorulugud oo soo dhacay ayaa shalay Dilay Saddex Carruur ah oo walaalo ah, laba kalena Dhaawacay. Saddexda Carruurta ah ee ku dhintay shilkan ayaa kala ah Maxamed Muuse C/laahi, Saynab Muuse C/laahi iyo Cawil Cismaan Mire, halka ay ku dhaawacmeen Shaal Muuse C/laahi iyo Aadan Muuse C/laahi. Carruurta Qumacani dhimashada iyo dhaawaca ka dhigay ayuu Wariyaha Wajaalenews ee gobolkaasi ku soo waramayaa in markii uu ku soos dhacay ay hoos fadhiyeen Geedka uu qumucu saarnaa, kaasoo aan la garanayn goorta la dul saaray, waxaanay ku war heleen Qaraxa haleelay. Labada Carruur ah ee ku dhaawacantay shilkaasi ayaa loola soo cararay Cisbitaalka Burco si loogu daweeyo, halka Maydka Saddexdii kale lagu aasay magalaadda Qorulugud. Dhacdadan ayaa filan waa ku noqotay Qoyska ay ka soo jeedeen carruurtan iyo dadka deegaankuba, waxaana su’aasha ugu badan ee la isweydiinayaa ay tahay qaabka Qumacani u saarnaa geedka iyo waxa soo riday. Shilka sababay dhimashada iyo dhaawaca ayaa dhacay shalay Duhurkii wakhtigaas oo Ciyaalka walaalaha ah ee uu Qumacaasi sahayday ku ciyaarayeen Geedka hoostiisa.   WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS