|
|||||
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobay Oo Ka Walaacsan Xaalada Colaadeed Ee Kasoo Cusboonaaday Deegaanka Taleex Iyo Ciidamada Somaliland Oo Dib Uga So Laabtay Magaalada Taleex
April 16, 2014 - Written by Editor:Muqdisho(WJN)JImciyadda Quruumaha Ka Dhaxaysa, Ayaa Markii Ugu Horreysay Maanta Ka Hadashay Xaaladda Degmada Taleex Ee Gobolka Sool Oo Ay Shalay Ciidammada Qaranka Somaliland Gacan-Ku-Haynteeda Si Buuxda Ula Wareegeen, Ka Dib Markii Ay Ka Baxeen Kooxda La Baxday Khaatumo State. Inkasta Oo Ay Maanta Dib Uga Soo Baxeen Halkaas. Ergeyga Gaarka Ah Ee Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay U Qaabbilsan Soomaaliya Nicholas Kay, Ayaa Ku Baaqay In Xiisadda Taleex La Qaboojiyo. Kay Ayaa Dhammaan Dhinacyada U Diray Farriin Ah In Ay Dulqaad Iyo Tanaasul Muujiyaan, Si Looga Baaqsado Dagaal Khasaare Geysta Oo Gobolka Ka Dhaca.
“Waxaan Ku Baaqayaa In La Muujiyo Degannaansho, Xaaladda Laguma Xallin Karo Hab Ciidan, Dhammaan Dhinacyada Ay Arrintu Khuseyso Waa In Ay Muujiyaan Dul-Qaad, Oo Aanay Ku Kicin Ficil Keeni Kara Dagaal,Waana In Ay Sida Ugu Dhaqsaha Badan U Damiyaan Buuqa Jira Una Qaboojiyaan Xaaladda.” Sidaa Ayuu Nicholas Kay Ku Sheegay Qoraal Maanta Ka Soo Baxay Xafiiskiisa Oo Uu Kaga Hadlay Xaaladda Taleex.
Ciidamada Somaliland Shalay Gelinkii Dambe Ayey Si Buuxda Ula Wareegeen Degmada Taleex Ee Gobolka Sool, Halkaas Oo Xarun U Ahayd Maamulkii Khaatumo Dhowaanna Uu Shir Khaatumo 3 Loo Bixiyey Ka Dhici Lahaa.
Puntland, Ayaa Si Kulul Uga Jawaabtay Arrintan, Waxaana Qoraal Kasoo Baxay Madaxtooyada Garoowe Lagu Sheegay In Puntland Aysan U Dulqaadin Doonon, Wax Lagu Tilmaamay- Daandaansiga Ay Somaliland Ku Hayso Dadka Iyo Deegaanada Puntland. Wararka Ka Imanaya Magaalada Taleex Ee Ay Helayso Shabakadda Wararka Ee Wajaalenews, Ayaa Sheegaya In Ciidammada Qaranka Somaliland Ee Shalay La Wareegay Taleex Ay Gelinkii Dambe Ee Maanta Si Iskood Ah Dib Ugaga Soo Baxeen Halkaas, Isla Markaana Ay Ku Soo Laabteen Fadhiisimmo Duleedka Galbeed Ee Taleex Ku Yaalla.
Wajalenews.net Xafiiska wararka hargeisa Related posts:Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Si Adag Uga Hor Yimid Xad Gudubyada Ka Dhanka Xuquuqal Iinsaanka E... Daawo:M/wayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dufaacay Axmed Muumin Seed Eedo Culculusna Dusha Uga Tuura... Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Ergayga Finland Uqaabilsan Nabadda Geesk... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|