Putin-internetku waa mashruuc ay iska leedahay CID da Maraykanku | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Putin-internetku waa mashruuc ay iska leedahay CID da Maraykanku
April 25, 2014 - Written by Editor:

Mosco(WJN)Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa Internetka ugu yeeray mashruuc hay’adda sirdoonka ee Maraykanka CIA ay lee dahay, waxaana uu dadka Ruushanka uga digey in ay isticmalaan mashiinka baaritaanka ee Google.

Khudbad uu u jeedinaayey Saxaafaadda ayuu ka sheegey in Internetku u noqdey meel ay ilaashato CIA, wax kasta oo Google aad ka baartidna uu yahay mid u keydsan iyaga, taas beddelkiisana ay isticmalaan Yandex.

Putin ayaa tilmaamey in ay fududahay in la fahmo barta uga caansan Ruushka ee Internetka wax looga baro ee loo yaqaan Yandex. Inkasta oo uu ku dhaleeceeyey in ay iska diiwaan geliyeen dalal dibadda ah si ay uga baxsadaan canshuur. Yandex ayaa inta badan dalka Ruushka laga istimaalaa waxaana la sheegaa in uu Googlr ka horeeyo marka Ruushka gudihiisa la joogo.

Hadaalka Putin ayaa imaanaya iyada oo dhawaan Baarlamaanka Ruushku meelmariyey shirkadaha iska leh Websiteyada xiriiriya Bukshadu in Serveradooda ay u soo waeejiyaan Ruushka isla markaana macluumaadka dadka Ruushka aan lagu keydin karin meel ka baxsan Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa horey u ahaan jirey Jaajuus u shaqeyn jirey hay’addii sirdoonka ee Midowga Sofiyeeyti KGB, waxaana uu ka hawlgeli jirey Jarmalkii Bari.

Wajaalnews.net

Hargeisa/offcie

COMMENTS
LINKS