Niyad jabka ardayda iyo waxbarshadii oo hoos u dhacday ?? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Niyad jabka ardayda iyo waxbarshadii oo hoos u dhacday ??
April 16, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS)

Waxbarashada dalkeena ayaa tobansano kohor laga gaadhay guul aad u saraysa iyadoo hatan u muuqta mid wax ka sii dhacayaan ama isbadal wayni ku yimid sidoo kale wax meesha ka baxday boskii tartan Aqoonedka ay wasaarada waxbarashada u qaban jirtay schoolada oo dhan

 dhab ahaantii ardayda u kordhin jiray aqoon aad u saraysa siin jirtayna dhiirigalin waxaanay ardaydu imtixaanka ku  gali jiray  Tartan xamaasadaysan oo uu arday waliba uu u hamiyi jiray inuu  kaalmaha hore galo  si uu magac , maamuus iyo shaarafba uu  u yeesho oo ay waalidkii ay ku farxaan  guusha uu ka soo hooyay waxbaarashada iyo tacabka waalidiintii waxaana ardayga kaalmaha hore galaa uu ahaa qof laga yaqaaan Guud ahaanba dalka meelwalbanaa waxa uu ku yeelan jiray magac hadaba maanta hadii aynu sidaa u eegno heerka ay  waxbarashada dalku ku sugantahay  waa heer  aad ka niyo jabayso .

Waxa khaasatan  sanadahan danbe hoos u dhacay wax barashadii oo ay dawladu aanay waxba ka qaban oo la dareemi karo inuu isbadal wayni ku yimiday waxbarashada   arday badan oo wax dhigashada niyad u haysay ayaa haatan ka niyo jabay oo dadaalkoodii ay ku bixin jireen haatan ku bixiya wakhti lumis iyo cayaar  sidoo kale wax  isbadal wayni ku yimiday waxbarashadii dugsiyada hoose/dhexe oo haatan ay sii yaraanayso ardayda wax ka baranta iyadoo waalidiin badan oo ay caruurtoodu ay wax ka baran jireen ay inbadan ay ka cawdeen oo isbadal la gu sameeyo ama waxlaga qabto sidan uu yahay, markii ay ku daaleen ayaa ay caruurtoodiii ka badaleen oo ay geeyeen schooladaa waxbarashada dhaama ee bareefadada  laakiin taa  waxa waxba ka qaban wayday wasaarada waxbarashada  oo dayacday hawsheedii  ama shaqadii ahad kr u qaadida waxbarashada .

  haatan waxa ka fiican waxbarashada dugsiyada dawliga ah kuwa  bareefadada  oo imika gabi ahaanba  ay dhigtaan arday aad u farabadan  , markii ay xukuumada talada dalka haysaa la wareegatay waxa waxbarashada laga dhiga bilaash iyadoo ugu tala gashay dadka saboolka si ay baahidooda waxbarasho ugu  daboolaan laakiin fikirka ay aaminsanaayeen ee ahaa in waxbarashada bilaashka ahi ay ka fiican tahay ta lacgta ah ayaa waxa uu noqday mid dhicisoobay oo baaba ay waxayna isku badashay in laga wada dareeero dugsiyada oo badalada laga qaato .

sidoo kale waxbarashadii waxay noqotay ama ay isku badashay mid lagu ganasaddo  mid walba oo aqoonyahan iska dhigaaba uu doonayo inuun dhankiiisa u furto waxaad maalin walba idaaacadaha ka maqlaysaa dugsiyo bareefado ama jaamacado laga xayaysiinayo oo aan xadba lahayn waxana aan laga qabanayn    manta waxa isku mid noqday  schooladii iyo jaamacadihii oo labaduba ganacsi noqday oo sidii tukaamada loo xaysiinayo  waana markii ugu horaysay ee Somaliland ay ka dhacdo inay waxbarashadu sidaa ay baaba u ahaato oo ay dadwaynuhu ku jaha wareeraan miidka ay galayaaan  Akhriste waad arkaysaa halka ay marayso waxbarashada dalkeenu  maxay ku latahaay ayaase wax ka badali kara ?? oo heer wanaagsan ka dhigi kara ??  Somaliland ayaa sanado hore la odhan jiray hoyga waxarashada ayaa ay can ku tahay imika maxaa ka danbeyay   “ hoos u dhaca waxbarashada iyo niyo jabka ardayda” .

qalinkii xuseen siyaad cilmi {mataan) Peac143@hotmail.com

COMMENTS
LINKS