Nin 73 Sano Jir Ah Oo Weerar Ku Qaaday Xarun Ay Yuhuudu Ku Leeyihiin Magaalada Kansas Ee Dalka Maraykanka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nin 73 Sano Jir Ah Oo Weerar Ku Qaaday Xarun Ay Yuhuudu Ku Leeyihiin Magaalada Kansas Ee Dalka Maraykanka
April 15, 2014 - Written by Editor:

Shalon(WJN)Maalinimadii Axadii lasoo dhaafay ayuu nin hubeysan weerar ku qaaday xarun lagu magacaabo Village Shalom oo ay Yuhuuda ku leeyihiin magaalada Kansas ee dalka Maraykanka.

Ninkan oo lagu magacaabo Frazier Glenn Cross ayaa ah 73 jir, wuxuuna rasaastii uu goobtaasi ku furay ku dilay sadex qof, oo ay ku jiraan nin waayeel ah iyo wiil uu awoowe u ahaa. Qofka sadexaad ayaa ahayd haweenay booqasho ugu timid hooyadeed oo lagu hayo xaruntaasi.

Dowlada Maraykanka ayaa weerarkan ku tilmaamtay mid cunsuriyeed sida uu sheegay sarkaal ka socday hay’ada danbi baarista ee FBI.

Walow ninkan uu rabay inuu xasuuqo dad badan oo yuhuud ah, ayaa hadana la sheegay in sadexda qof ee uu goobtaasi ku dilay uusan midna ahayn yuhuud.

Frazier Glenn Cross ayaa horey usoo ahaan jiray madaxda kooxda cunsuriyiinta ah ee loo yaqaan KKK

 

Wajaalenews.net

xafiiska wararka hargeisa

COMMENTS
LINKS