Muxuu Ka Yiri Ancelotti Guushii Ay Xalay Ka Gadheen Bayern Munich? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muxuu Ka Yiri Ancelotti Guushii Ay Xalay Ka Gadheen Bayern Munich?
April 24, 2014 - Written by Editor:

Sports(WJN)Tababaraha Kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti Ayaa Ka Hadlay Guushii Ay Xalay Ka Gaareen Kooxda Bayern Munich Oo Marti U Ahayd Wuxuuna Sheegay Inuu Aad Ugu Faraxsan Yahay Qaab Ciyaareed Ka Laacibiintiisa.

Ancelotti Oo Ka Hadlay Kulanka Lugta Labaad Ayaa Sheegay Inay U Ciyaari Doonaan Qaabkii Kulan Kii Xalay Oo Kale Isagoo Sheegay Inuu Kalsooni Buuxdo Ku Qabo Ciyaartoydiisa Inay Gaari Doonaan Final-Ka Champions League.

Ancelotti1

Ancelotti Oo Qabtay Shirkiisa Jaraa,Id Ee Kadib Ciyaarta Ayaa Ku Bilaabay Hadal Kiisa:

“Waan Ku Faraxsanahay Wax Walba Oo Ay Soo Bandhigeen Ciyaartoyda Kooxda, Waxaan U Ciyaarnay Si Wanaagsan Waana Baranay Sida Guusha Loogu Dhibtoodo, Waxaan Ku Bilaabanay Ciyaarta Si Xishood Leh Waxaana La Kulanay Dhibaatooyin Badan Lakiin Waxaa Noo Suuro Gashay Inaan Haysano Kubada Inbadan Qaybtii Danbe, Inkasta Oo Aan Ubadnayn Difaaca Hadana Waxaan Samaynay Counter Attack-Yo Aad U Fiican”.

“Wada Shaqaynta Ciyaartoyda Dhexdooda Ah Waxay Aheed Wax Aad Muhiim U Ah, Coentrao Wuxuu Caawinaayay Isco Sidoo Kale Carvajal Wuxuu Caawinaayay Di Maria, Waxaan Aaminsanahay In Arimahaan Oo Kale Ay Tahay Lagama Maarmaan Kulan Sidaan U Wayn Oo Kale, Waan Ogayn Inaan Wax Badan Haysan Doonin Kubada Lakiin Qaab Fiican Ayaan Kala Hortagnay Midaas Waxaana Aad U Adag Inaad Soo Bandhigto Tayadaas Ronaldo Iyo Bale Oo Aan Ku Jirin Xaalad Wanaagsan”.

Ancelotti Oo Ka Hadlay Kulanka Lugta Labaad Ayaa Yiri “Wuxuu Ahaan Doonaa Kulan Aad U Adag, Lakiin Waxaa Wajib Ah Inaan U Ciyaano Si Ay Ku Jirto Kalsooni Iyo Hami Sida Kulan Kii Maanta Oo Kale (Xalay), Suuro Gal Ma Ahan In Qof Uu Ka Hadlo Waxa Uu Heli Doono Lakiin Waxaan Si Buuuxda Ugu Kalsoonahay Awooda Kooxdayda”.

 

Wajaalenews.Net

Hargeisa/Office

COMMENTS
LINKS