Muwaadin Reer Somaliland ah oo sheegey inuu 18 May ku Xusi doono Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muwaadin Reer Somaliland ah oo sheegey inuu 18 May ku Xusi doono Muqdisho
April 1, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS;18ka May , waa maalin ay xusaan shacabka Somaliland, maalintan oo ay u aqoonsan yihiin maalintii dib ulasoo noqoshadda qaranimaddooda, waxay ahayduun 18kii May 1991kii markii ay Burco kaga dhawaaqeen inay ka go’een Somaliya inteedii kale.  Somaliland iyo Somaliya ayaa hore umidoobey 1960kii, hungow aykala kulantey Somaliland Midawgii Somalia iyo tacadiyo badan oo kabaxsan bani’aadantinimadda oo uu kukacay Nidaamkii Siyaad Barre, ayaa keeney inay Somaliland gooni isutaagto, Somaliland ayaa 23jirsatey inkastoo aaney wali bulshadda Caalamka Aqoonsi ka helin, hadana shuruudihii dal lagu aqoon san laa odhan way buuxisay, taana waxaa suuro galisey nabadgalyadda buuxda ee kajirta.

Xamse Suldan Adan Faarax waa Muwaadin  reer Somaliland ah oo inta badan u ololeeya qadiyadda Somliland iyo wadaniyadda, ayaa fagaare kasheegey sidan.

“Maadaama oo aan sanaddo badan  18ka May dalka gudihiisa (Somaliland) ugu dabaal dagaayey, doorkan waxaan go’aansaddey sida dalalka kaleba looga xusaayo, in aan kusoo xuso Muqdisho, waa dal aynu jaarnahay, waxaana halkaa kusugan Jaaliyad badan oo reer Somaliland ah, oo iyaguna uheelan qabashadda iyo abaabulka Xafladdaa, waxa kaliya ee walaaca igu hayaa waa arinta amaanka, waxaan rajeynayaa haddii amaanku aad ufiicnaado inaan Muqdisho kadago aniga oo shiciba oo calankaygana sita, dalkana kusoo galo sifo sharciya” sidaa ayuu kusoo afjarey hadalkiisii Xamse Suldan Adan.

Talaabadan ayaa noqoneysa mid ku uguba Somaliland iyo Somaliyaba

COMMENTS
LINKS