Muuse Biixi waa nin aad u geesi ah oo dadkiisa iyo dalkiisa u huray naftiisa isaga iyo rag kale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muuse Biixi waa nin aad u geesi ah oo dadkiisa iyo dalkiisa u huray naftiisa isaga iyo rag kale
April 29, 2014 - Written by Editor:

Waxaan salaamayabahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xoorta ah , waxaana salaamaya muwadiniinta Somaliland.  Muuse Biixi waa nin aad u geesi ah oo dadkiisa iyo dalkiisa u huray naftiisa isaga iyo rag kale oo fara badan, waa nin waaya aragnimo wanaagsan u leh sida shaqada maamulka l oo qabto, isaga oo Wasiir hore uga soo noqday dawladihii hore ee Somaliland, imikana mudo ah gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, mujaahid Muuse waa nin ay ku dheertahay Somalilandnimadu kana hor yimaada cadowga somaliand, Muuse waa geesi, cadowgu ka baqo, oo aan dhici Karin, cid dalka uga lexejeclo badani oo aad iyo aad u yartahay.

Isku soo wada duuboo Muuse Bixi wuxu hantay taageerada shicibka Somaliland, waxaanuu

ka mid yahay sababta shicibka Somaliland u siiyeen taageeradooda xisbiga Kul miye, shicibkaas oo inta badan kala degan dhamaan Somaliland gaar ahaan deegaanka gobolada Hargeysa, Saaxil, iyo Awdal, waana asbabaha uu xisbiga kulmiye ku guulastay doorashadi madaxnimada .

Madaxwayne Ahmed Silaanyo wuxu mar walbaa ogaa taageerada Muuse Biixi ku dhex leeyahay dadkiisa iyo dhamaan shicibka Somaliland, waana sababta uu mar walba ugu faro adaygay inuu helo taageerada Muuse Biixi, waana sababta loogu igmaday xilka gudoomnimada xisbiga kulmiye doorashadi ka dib, Muuse waa nin daacad ah siyaasada xisbiga iyo dalka iyo dadkaba waa tiir dhexaadka Somaliland, markaa la eego taageerayaasha uu haysto waxaa odhan karaa Muuse biixi waa rukunka mustaqbaleed ee xisbiga kulmiye , ee maaha nin la adeegsado , waa nin mawqif leh.

Saadaashu waa khayr khayr khayr !!

W/Q Khadar Ibrahim A

Khadar338@hotmail.com

COMMENTS
LINKS