MUSHARAXIINTA XUSBIGA KULMIYE OO SII KORDHAYA IYO DR MAXAMED AXMED (CARABAYTO) OO KU DHAWAAQAY INUU U SHARAXAN YAHAY GUDOOMIYE,KUXIGEENKA LABAAD EE XUSBIGA KULMIYE | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MUSHARAXIINTA XUSBIGA KULMIYE OO SII KORDHAYA IYO DR MAXAMED AXMED (CARABAYTO) OO KU DHAWAAQAY INUU U SHARAXAN YAHAY GUDOOMIYE,KUXIGEENKA LABAAD EE XUSBIGA KULMIYE
April 25, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS);DR Maxamed Axmed Cabdi (carabayto) oo kamida xubanaha xusbiga kulmiye ugu calculus  kana mida gudida fulinta ee xusbiga saamayn wayna kuleh siyaasada dalka mudana ka soo shaqaynayay gobolada dalka oo dhan ayaa manta ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay gudoomiye kuxigenka labaad ee xusbiga kulmiye sidaa wuxuu ku sheegan mar uu shabakada wajaalenews u waramayay isagoo ku sugan magaalada hargeisa

Mar aanu wax ka waydiinay waxa keenay xiligan inuu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa ayaa wuxu yidhi dasturka xusbiga ayaa dhigaya in sixor ah oo xalaala loo tartamo aniga damacaygay ayaa ah inaan u tartamo jagadan iyo kuwa kalaba waxanan rajaymayaa in aan guusha gaadho insha,llah

Xusbiga kulmiye ayaa maalmahan waxaa soo kordhaya musharaxiin cusub oo u tartamaya hogaanka xusbiga kuwaasi oo keeni kara moran xoogan oo ragaadiya shirwayanaha kulmiye oo marka horeba ahaa mid tabcaana laguna soo waday isqabqabsi badana soo daashaday marwalba taagan

Jagada gudoomiye kuxigenka labaad ee xusbiga kulmiye ayaa waxa hore u ahaa xildhibaan waabeeye oo isagu ka dhaxlay cabdiraxmaan cabdiqaadir xili kursiga xoog lagaga tuuray,

Wabeeye ayaa beel ahaan waxaa ka miisan culus dr maxamed axmed carabayto kaasi oo laga yaabo inuu si dhibyar uga guulaysto waxaa lasugaaba waa dhinaca labadan masuul xukuumadu raacdo wallow waabeeye lagu xanto inuu u jajaban yahay danaha madaxtooyada.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS