Mudadii Loo Qabtay In Shirkaduhu Kusoo Gudbiyaan Araajida Qandaraaska Oo Dhamaatay Iyo Gudiga Qandaraasadka Oo Cid Gaara Usii Calaamadiyey Shirkadii Ay Siin Lahaayeen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mudadii Loo Qabtay In Shirkaduhu Kusoo Gudbiyaan Araajida Qandaraaska Oo Dhamaatay Iyo Gudiga Qandaraasadka Oo Cid Gaara Usii Calaamadiyey Shirkadii Ay Siin Lahaayeen
April 21, 2014 - Written by Editor:

(Wajaalenews.net)Waxa Dhamaatay Mudadii Loo Qabtay In Dadku Ku Soo Gudbiyaan Araajidii Qandaraaska Diiwaangalinta Rayidka Ah (Somaliland National ID) Ee Ay Xukuumada Somaliland Ugu Talo-Gashay Inay Ka Hirgaliso Dalka Sanadkan Gudihiisa.

Mudada Araajida Qandaraaskan Lagu Soo Xaraynayo Oo Markii Hore Ku Ekayd 19/4/ 2014 Ayaa Guddida Qandaraasyadu Waxay Ku Kordhisay Toban Cisho, Kadib Markii Ay Shirkadaha Maxaliga Ahi Ka Maageen Inay Araaji Usoo Qortaan Qandaraaska Cusub Iyagoo Ka Cawday Shuruudaha Lagu Xidhay Kuwaas Oo Ay Ku Tilmaameen Qaar Aan Macquul Ahayn Oo Aanay Iska Bixin Karayn.

Shirkaduhu Waxay Cabashadooda Ku Sheegeen In Qandaraaska Loo Diyaariyey Qaab Ay Cidina Ku Dhici Waydo Inay Soo Doonato Oo Kharashka Iyo Qiimaha Lagu Bixinayo Qandaraaska Oo $3 Milyan Ahi Ay Labadoodu Isku Go’ayaan Iyadoo Shuruudaha Ay Ka Mid Yihiin In La Sameeyo Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Oo Kaadh Aqoonsi Isla Markaana La Soo Iibsado Qalab Qaali Ah Oo Lagu Fulinayo Hawlaha Mashruuca.

Sharkadahaasi Waxay Aaminsan Yihiin In Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyadu Uu Sidaas U Yeelay Si Loo Waayo Cid U Badheedha Inay Soo Doonato Qandaraaska Dabeetana Iyadoo Taa Sabab Looga Dhigayo La Siiyo Cid Gaar Ah Oon Ilaa Hada Soo Shaac-Bixin.

Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Ayaan Ilaa Hada Dadweynaha Si Mug Leh Ugu Sharaxin Ujeedada Ay Ka Leedahay Mashruucan Diiwaangalinta Rayidka Ee Ay Fulintiisa Ka Maalgalinayso Khasnada Dawlada Iyo Sababta Ay Mashruucan Mudnaanta U Siinayso Iyadoo Ay Jiraan Baahiyo Ka Culus Oo Khuseeya Caafimaadka Iyo Waxbarashada Oo Ay Ahayd In Wax Lagaga Qabto Lacagta Intaa Leeg Ee Lagu Isticmaalayo Diiwaangalinta Rayidka.

Hargeisa/Ofice

Wajaalenews.netwajale news

COMMENTS
LINKS