Mooshin Ka Dhan Ah Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Ay Wadaan Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Barlamaanka Somaliya Oo Ka Socota Magaalada Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mooshin Ka Dhan Ah Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Ay Wadaan Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Barlamaanka Somaliya Oo Ka Socota Magaalada Muqdisho
April 15, 2014 - Written by Editor:

Muqdisho(WJN)ka halayso ilo siyaasadeed lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in qaar ka tirsan xildhibaanada Barlamanka Somalia diyaarinayaan mooshin ka dhan ah Madaxweynaha dowlada Somalia.

Wararkaan ayaa intaas ku daraya in Xildhibaano ka tirsan beesha Hawiye dhowaan xarunta Villa Somalia kula kulmeen Xasan Shiikh lana socodsiiyeen dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee socda iyadoo xogaha qarkood xusayaan in mudanayaal ka tirsan golaha shacabka ee kulankaan ku sugnaa ka codsadeen inuu is-casilo Madaxweynaha dowlada Federaalka ah inta aan mooshinkaan la keenin Barlamanka.

Dhinaca kale ololahaan siyaasadeed ayaa waxaa dabada ka riixaya siyaasiyiin horey xilal sare uga qabtey dowlada Somalia iyo qaar ka tirsan wadamada ku taxaluqa arrimaha Somalia.

Lama saadaalin karo halka ay caga dhigan doonto balse waxaa muuqata in sumacada Madaxweynaha dowlada Somalia ay mareyso halkii ugu hooseeysay marka la eego xiriirka uu beesha caalamka la leeyahay iyo bulshada Soomalida gabi ahaan-ba.

Xildhibanaada is-qorey mooshinkaan ayaa wararku sheegayaan iney gaarayaan 40 halka Villa Somalia xusul duub ugu jirto sidii dhexda looga jabin lahaa.

Wajaalenews.net

Hargeisa/Office

COMMENTS
LINKS