Meesha Cadow Iyo Cid Aanu Ku Duulnaa Ma Jiraan Oo Si Caadi Ah Ayaanu Ku Tagnay Waana Nalagu Soo Dhaweeyey.” Afhayeenka Ciidanka Kornayl Cismaan Cabdilaahi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Meesha Cadow Iyo Cid Aanu Ku Duulnaa Ma Jiraan Oo Si Caadi Ah Ayaanu Ku Tagnay Waana Nalagu Soo Dhaweeyey.” Afhayeenka Ciidanka Kornayl Cismaan Cabdilaahi.
April 15, 2014 - Written by Editor:

Taleex(WJN)Kornayl Cismaan Cabdilaalhi Siciid Ayaa Qiray Inay Ciidanka Qararka Somaliland Si Buuxda Gacanta Ugu Hayaan Magaalada Taleex Ee Gobolka Sool.

Afhayeenka Ciidanka Qaranka Somaliland Oo U Warramay Idaacadda BBC-Da Ayaa Xusay Inay Taleex Ka Mid Tahay Deegaamada Soamliland Oo Aanay Qabsasho Iyo Xoog Midna Ku Qabsanin, “Taleex Waa Degmo Ka Tirsan Sool Oo Somaliland Ka Mid Ah, Markaa Cutub Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Ayaa Gaadhay Halkaas Hab Kormeer Ah. Meesha Cadow Iyo Cid Aanu Ku Duulnaa Ma Jiraan Oo Si Caadi Ah Ayaanu Ku Tagnay Waana Nalagu Soo Dhaweeyey.” Afhayeenka Ciidanka  Kornayl Cismaan Cabdilaahi.

Afhayeenka Ciidanka Qaranka Somaliland Ayaa Meesha Ka Saaray Inay Dhaceen Wax Dagaal Ahi, Isagoo Dafiray Inay Wax Ciidan Ah Oo Khaatumo Ka Tirsani Ay Halkaas Markii Hore Joogeen, Waxana Uu Yidhi, “Wax Dagaal Iyo Iska Hor Imaad Dhacay Midna Ma Jiraan, Meeshana Si Nabadgelyo Ayaanu Ku Tagnay, Khaatumona Meesha Kumaanu Ogayn Oo Hadda  Ma Joogin, Maamul Fedel Ah Oo Halkaas Joogayna Ma Jirin”

Afhayeenka Ayaa Intaas Ku Daray Inay Ciidan Ahaan Diyaar U Yihiin  Inay Difaacaan Gardarro Kasta Oo Lagu Soo Qaado Xuduuudaha Somaliland, Waxana Uu Yidhi,

“Ciidanku Xuduudaha Oo Dhan Ayuu Tegayaa, Manay Qabsane Waa Ciidan Goobihiisii Tegay, Diyaarna Waanu U Nahay Inaanu  Cid Kasta Oo Dhulkayaga Soo Gardarraysata Inaanu Iska Difaacno Cidna Duulimaad Kuma Nihin.”

Hadalkan Afhayeenka Ayaa Ku Soo Aadaya Xilli Ay Ciidanka Qaranka Somaliland Si Nabadgelyo Ah Ula Wareegeen Gacan-Ku-Haynta Magaalada Istiraatiijiga Ah Ee Taleex Oo Muddo Badan Ka Maqanayn Gacanta Ciidanka.

Wajaalenews.net

Xafiiska Wararka Hargeisa

COMMENTS
LINKS