Maxkamada Gobolka Hargeisa Oo Soo Gunaanaday Dhagaysiga Dacwada Eedayanayaashii Loo Hayso Dilkii Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamada Gobolka Hargeisa Oo Soo Gunaanaday Dhagaysiga Dacwada Eedayanayaashii Loo Hayso Dilkii Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle
April 24, 2014 - Written by Editor:

hargeisa(WJN)Maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa si rasmi ah shalay u soo gunaanaday dhagaysiga dacwadii xaasaasiga ahayd ee dilkii foosha xumaa ee loo gaystay marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle, bishii March ee sannadkan.

Dacwadan oo muddo socotay waxa lagu soo oogay afar carruur ah iyo hooyadood oo loo haysto dilkaas marxuumad Ruqiya oo ahaa dil foolxun oo aan noociisu hore wadanka uga dhicin. Maxkamadu waxay dhagaysatay dacwad oogayaasha iyo is difaaca eedaysanayaasha oo ah afarta carruurta ah iyo hooyadood, waxaana mudadii dhagaysiga dacwadu socotay si adag loo ilaalinayay ammaanka maxkamadda gobalka Hargeysa.

Maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa shalay ku dhawaaqday in la soo gunaanaday dhagaysiga dacwada dilka marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle, waxaanay sheegtay in fadhiga dambe ee maxkamadda lagu dhawaaqi doono xukunka ay maxkamadu ka soo saarto dacwadaas, waxaana la filayaa in fadhiga xukunka lagu dhawaaqayaa uu noqdo toddobaadka dambe.

Dadweynaha reer Somaliland ayaa u dheg taagaya xukunka maxkamadda ka soo bixi doona, maadaama oo uu dilka marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle noqday mid mahadho ku reebay shacabka Somaliland, iyadoo marxuumadda ay qoyskani ku dhex dileen gurigooda, ka dibna ay maydkeedii ku rideen god guriga looga dhex qoday. Laakiin baadhis dheer oo ay qoyska marxuumadu galeen ka dib waxa ay ciidamada Boolisku ku guulaysteen in godka laga soo saaro maydka marxuumada. Marxuumada ayaa la sheegay inay qoyska dilay gurigooda ugu doonatay lacag ay ku lahayd.

Si kastaba ha ahaate toddobaadka dambe waxa ay dadweynuhu u dheg taagayaan xukunka maxkamaddu ka gaadhi doonto kiiskan oo ah mid argagax leh

Wajaalnews.net

Hargeisa/office

COMMENTS
LINKS