Maxkamada Dalka Masar Oo Dil Ku Xukuntay 683 Qof | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamada Dalka Masar Oo Dil Ku Xukuntay 683 Qof
April 28, 2014 - Written by Editor:
Qaahira(Wajaalenews);Maxkamada Masar ayaa manta (Isniin) xukun dil ah ku riday 683 xubnood oo ka tirsan taageerayaasha xisbiga Ikhwaanu Muslimiinka oo si wadar ah maxkamada loo horkeenay.

Dadka dilka lagu xukumay waxaa kamid ah Hogaamiyihii sare ee Ikhwaanka Maxamed Badaye, maxkamada ayaa sidoo kale wax ka bedashay xukunkii hore ee lagu riday 529 taageerayaasha Ikhwaanka ah oo horey dil loogu xukumay.

Maxkamada ayaa sheegtay in kooxdii hore ee dilka lagu xukumay ee gaarayey 529 eedaysane xukunkoodii lagu bedalay 25 sano oo xabsi ah, marka laga reebo 37 qof oo ku jiray kooxdii hore oo markale xukun dil ah lagu riday.

Qareemada u doodayey maxaabiista ku eedaysan inay xubno ka yihiin Ikhwaanka ayaa diiday inay maxkamada hor yimaadaan iyagoo ku tilmaamay xaakimka maxkamadaasi nin aan caadil ahayn.

Sidoo kale hay’adaha xuquuqul insaanka ay maxkamadeynta taageerayaasha Ikhwaanka ku tilmaamay mid aan dhex dhexaad ahayn oo ka fog cadaalada

COMMENTS
LINKS