Masuuliyiinta Gobolka iyo Degmada Gabiley oo Loo Xidhxidhayo Sirdoon Itoobiyaanoo ay Baadheen iyo Dhukumanti Siroo Ku Maqan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masuuliyiinta Gobolka iyo Degmada Gabiley oo Loo Xidhxidhayo Sirdoon Itoobiyaanoo ay Baadheen iyo Dhukumanti Siroo Ku Maqan.
April 8, 2014 - Written by Editor:

Dawlada itoobiya ayaa soo eriday qunsulkii Somaliland u fadhiyay dalkaasi oo maalmihii u danbeeyay ku…

Gabiley (Wajaale News):- Bashasaabka Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi iyo Maayarka degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse ayaa loo haystaa inay todobaad ka hor baadheen saraakiil ka tirsan sirdoonka dawlada Itoobiya, isla markaana ka qaateen hub iyo dhukumti sir ah oo ku duubnaa cajaladaha koombuyuutarka wax lagaga qaato, oo kasoo laabtay dalka Somaliya.

Falka baadhashada saraakiisha sirdoonka dawlada Itoobiya ayaa maanta loo xidhxidhay Taliye ku xigeenka gobolka Gabiley Baashe, Gudoomiyaha Waxbarashada gobolka Gabiley Cali Bayle, Isku duwaha wasaarada beeraha C/risaaq Sh. Muxumed, Dirawalka maayarka Gabiley, iyo askarta ilaalisa badhasaabka iyo maayarka Gabiley.

Maayarka iyo bashasaabka Gabiley ayaa lagu eedaynayaa inay amarka lagu baadhay saraakiisha sirdoonka itoobiyaanka ah bixiyeen halkaasi oo ilaa iyo hadda lasoo qabqabtay afar ka mid ah dadkii loo tuhunsanaa inay ku jiraa falka baadhashada saraakiisha itoobiyaanka ah.

Wararka nagasoo gaadhaya dhinaca magaalada Gabiley ayaa intaasi ku daraya in masuuliyiinta sirdoonka ah laga dhacay lacag, hub fudud iyo macluumaad sir ah oo  lagasoo ururiyay deegaanada ay ka dagaalamaan Alshabaab, kaasi looga shakisan yahay inay koombuyuutarada kula hadheen.

Dawlada itoobiya ayaa soo eriday qunsulkii Somaliland u fadhiyay dalkaasi oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa caasimada Somaliland ee Hargaysa oo ku hawlanaa sidii sirdoonka Somaliland ay usoo xaqiijin lahaayeen sababtii keentay in masuuliyiin xilal siyaasadeed oo sarsare ka haya ay baadhaan baabuurta safaarada itoobiya oo taarikadoodii iyo kaadhadhkoodii aqoonsiga wata. Dawlada Itoobiya ayaa ka warsugaysa sida ay Somaliland ugasoo warbixiso kiiskaasi iyo talaabo kasta oo ay ka qaado oo macne u samaynaysa dawlada itoobiya.

 

Sirdoonka ayaa ku gudo jira baadhitaanka masuuliyiinta amarka lagu baadhay saraakiisha sirdoonka itoobiya oo ilaa iyo hadda aan lasoo xidhxidhin laakiin laga baqayo inaanay ka fursanayn in maayarka iyo badhasaabkaba loo xidho maadaama hore loo xidhxidhay askartii iyo masuuliyiintii kale ee ay amarka siiyeen, iyagana laga yaabo in xasaanadaha iyo xilalka laga qaado ka hor intaan la xidhxidhin.

Dublamaasiyiinta Itoobiyaanka ah ayaa ku doodaya in six un loola dhaqmay, halka Booliiska iyo Maamulka Gobolka Gabilayna ay ku doodayaan in ay sifo sharci daro ah Dalka ku dhex marayeen, sababta keentay in la qabtaana ay ka dhalatay Hub sharci daro ah oo ay siteen..

Dhanka kale badhasaabka gabiley oo aanu laxiidhiidhna ayaa sheegay in aan isaga looyedhin balse ay jirto masuuliyiin laxidhay iyo qaar looyeedhayba halka maayirka uu tell kiisa gacantu xidhaan

Si kasta ha ahaatee lama garan karo saamaynta ay arrintani ku yeelan doonto xidhiidhka labada dal oo beryahan u muuqday dhinaca Somaliland in ay danaynayso in la xoojiyo isla markaana taas lagu ogaaday markii Madaxweyne Siilaanyo dhawaan Guddi wasiiro ah u magacaabay xoojinta arrintaas, halka ay xukuumaddu dhawr jeer ooh ore ka daadifaysay in uu jiro hoos u dhac ku yimi xidhiidhka labada Dal.

 

Waaale News Office

Gabiley Somaliland

wajalenews@gmail.com

 

 

COMMENTS
LINKS