Marwada Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Walis iyo Xubno wasiiro ah Oo Maanta ka Qaybgalay Xaflad Mahadnaq ah Aqoonsigii golaha Deegaanka Sheffield | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Marwada Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Walis iyo Xubno wasiiro ah Oo Maanta ka Qaybgalay Xaflad Mahadnaq ah Aqoonsigii golaha Deegaanka Sheffield
April 10, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS);Waxa aanu u mahadnaqaynaa Golaha Deegaanka Sheffield, Aqoonsiga ay Somaliland siiyeen (We Thank Sheffield Council for the Recognition of Somaliland) qoraalkaasi waa mid ka mida hal ku dhig-yadii ku xardhanaa goobta Xaflada lagu qabtay.

Maanta waxa Caasimada Somaliland ee Hargeysa laga dareemayey Dhaq-dhaqaaq xoogan, kaasi oo la xidhiidha Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo lagu qabtay Hotel Mansor Hargeysa oo u jeedadeedu ahayd in taageero xoogan loo muujiyo Golaha Deegaanka ee Sheffield City Council oo ah Golihii ugu horeeyey ee aqoonsada Somaliland taageerana la barbar istaaga gooni isu taaga Somaliland.

taasi oo ka markhaati kacaysa sida ay caalamku ugu dhegtaagayaan Somaliland iyo sida ay uga go’an tahay in ay Jamhuuriyada Somaliland u aqoonsadaan Dal madax-banaan oo ku soo biira Wadamada la aqoonsan yahay.

Waxa maanta halkaasi si qiiro wadaninimo ku dheehan tahay Hadallo uga soo jeediyey kuna tartamay Jaaliyadaha Somaliland ee ku kala nool Wadamada yurubta oo mid waliba balan qaaday inuu noqon doono ka ku xiga Sheffield in kasta oo kuwo badaniba ay qireen in ay iyagu ahaayeen kuwa hogaaminaayey ee islahaa cidiba idinka horayn mayso balse ay ka hormartay Sheffield una hambalyeey Jaaliyada Reer Sheffield ee geesinimada ka muujisay Wadanka Inigiriisk

Xafladan maanta lagu qabtay Mansor hotel oo ay ka soo qaybgashay Marwada Koowaad ee qaranka Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde iyo Xubno wasiiro ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Mudane Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Wasaaradda  Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka ku xigeenka Qorshaynta, Mudane, Xasan Daahir Dhinbiil Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Marwo Shugri Xariir Ismaaciil, Xildhibaano Madax-dhaqameed, Xisbiyada Mucaaradka iyo bulshada qaybeheeda kala duwan

Madashan oo ahayd mid ay ka muuqdeen Calamada Wadanka UK iyo Ka Somaliland oo ay dadweynihii goobtaasi isugu yimid luxayeen, jawigana ka dhigtay mid Qurxoon oo dadweynihii isugu yimid dib u xasuusisay 1960 kii markii ay Somaliland Madaxbanaanideeda ka qaadatay Boqortooyadii ingiriiska ee Somaliland ka talin jirtay wakhtigaasi, balse jawigan maanta ayaa noqonaaya mid xasuustiisu tahay in Wadanka Ingiriiska Gole ka mid ihi intuu shir ka yeesho qadiyada Somaliland uu weliba ku dhawaaqo gooni isu taaga Somaliland, waana ta keentay in Shacbiga Somaliland ay xusaan maanta go’aankaasi geesinimada leh

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM.

COMMENTS
LINKS