Maraykanka oo ciidamadiisa dhulka gaynaya dalka pol;and | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maraykanka oo ciidamadiisa dhulka gaynaya dalka pol;and
April 20, 2014 - Written by Editor:

Newrk(WJN)Dalka Maraykanka ayaa go’aasnadey in ciidamadiisa dhulka la geeyo dalka Poland oo ka mid ah xlkadafa Gaashaanburta Nato isla markaana xuduud la wadaaga dalka Ruushka. Arrintan ayaa jawaab u ah waxa ka dhacay ama ka socda dalka Ukraine, sida uu Washington Post u sheegay Wasiirka Gaashaandhiga Poland Tomasz Siemoniak .

Sida laga soo xiganayo Wasiirka Gaashaandhiga Poland go’aankan ayey qaateen kadib “Beenta caddaanka ah ee Vladimir Putin”, ee la xiriira farogelinta uu ku hayo dalka Ukraine, iyo casharada cusub ee Putin ee ah in uu xaq u lee yahay in u weerari karo dalkasta oo ay ku noolyihiin kuwo ku hadla afka Ruushanka.

Qorshaha Maraykanku ciidamada dhulka ku geeynayo Poland ayaa kor loogu qaadayaa heer siyaasadeed, waxaana lagu wadaa in la soo bandhigo todobaadka soo socda.

 

Wajalnews.net

Hargeisa/office

COMMENTS
LINKS