|
|||||
WAJAALE NEWS
Maraykanka iyo Ruushka oo Weli isku khilaafsan Arrimaha Ukraine
April 25, 2014 - Written by Editor:NEWYORK(WAJAALENEWS);Xoghayaha arimaha dibadda Maraykanka, John Kerry ayaa sheegay in dowladda Ruushka ay dab ku sii shidayso dagaanaansha la’aanta ka jirta Ukraine ,isagoo ku eedeeyay Moscow bur-burinta heshiiskkii dhawaan lagu gaaray magaalda Geneva. “Ukrairne waxa ay ka shaqaynayaan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen nabaddii gobolka ka jirtay ,balse waxaas oo idil waxaa bur-burin ku wada Ruushka “ayuu yiri Kerry oo maalinimadii shalay war kooban siiyay warbaahinta. “Hogaanka ku meel gaarka ah ee Ukraine waxa ay doonayaan in ay ka dhabeeyaan heshiiskii la wada gaaray oo horseedi kara in wax kasta loo maro hab dimuqraadiyad ay ku dhisantahay, mana jiro qof shaki uu kaga jira gacanta ay dowladda Ruushku arintan ku car-qaladaynayso,” ayuu hadalkiisa ku daray Kerry. Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama ayaa isna waqti sii horeysay ka dhawaajiyay in ay jiri doonto cunaqabatayn dheeri ah oo ay la kulmi doonaan madaxda Ruushka, haddii aysan ka qayb-qaadan dadaallada nabadda ah ee hadda socda. Dhinaca kale, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa aaladda internetka ugu yeeray mashruuc hay’adda sirdoonka ee Maraykanka CIA ay lee dahay, waxaana shacabka dalkiisa uu uga digay isticmaalka Google-ka “Waxaa dadkeen u fudud in ay isticmaalaan aalladda Yendex, waayo Google- waxaa maamula Maraykanka iyo xulufadiisa,” ayuu yiri Putin oo warbaahinta la hadlayay, waxaana la sheegay in Google uu wax badan ka horeeyo Yendex. Ugu danbayn, hadallada ay is-weydarsnayaan masuuliyiinta ugu sareeya labadan dowladood ayaa soo noq-noqonayay baryihii lasoo dhaafay, iyadoo muranka ugu badan uu ka taaganyahay Ukrayn oo ay ka socdaan xiisado iska soo horjeeda COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|