Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay-Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay-Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.
April 22, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Ku qaabilay Garaad Jaamac Gaaraad Ismaaciil Ducaale oo hore uga tirsanaa Garaadada ugu tunka weyn ee Kooxda Khaatumo oo dhawaan dalka yimid kadib markii wadahadal is afgarad ahi uu magaalada Jabuuti ku dhexmaray Wasiiro ka tirsan Xukuumada Siilaanyo.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo ay wehelinayaan oday dhaqameedyo kala duwan ayaa waxaa ay kulan albaabadu u xidhnaa la qaateen Madaxweyanah Jamhuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),Madaxweyne Ku-Xigeenka,Wasiirka Madaxtooyada Iyo Wasiiro Kale.

Kadib markii uu kulankaasi soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta uga warbixiyey waxyaabihii laga wada hadlay Af-hayeenka Aqalka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul waxaana uu sheegay in ay halkaasi Garaadka iyo Oday Dhaqamedaduab ay ku soo bandhigeen in ay diyaar u yihiin in ay nabad galyada kala shaqeeyaan Xukuumada Siilaanyo.waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

“Garaad Jaamac ,cuqaasha iyo wax garadka kale ee la socdayba maanta ee xarunta madaxtooyada uu madaxweynuhu ku qaabilay waxay ka warameen kaalinta ay ka qaadanayaan horumarka dalka,sida ay marwalba iyo wakhti kastaba ay diyaarka ugu yihiin,qaranimada Somaliland iyo meel marinteeda,sida ay marwalba diyaarka ugu yihiin inay wax ka qabtaan wixii nabad galyo daro keenaya dalkeena”.

Af-hayeenka Aqalka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo hadalkiisa siiwata ayaa waxaa kale oo uu xusay in ay Garaadka iyo Oday dhaqameedaduba ay halkaasi ku soo bandhigeen baahiyaha kala duwan ee Deegaanada Sool ay u baahan tahay in wax lagalo qabto waxaana uu yidhi.

“Waxaa kale oo ay madaxweynaha uga warameen baahiyaha deegaanada gobalka Sool uu tabanaayo ee uu baahan yahay in wax lagala qabto ayey ka warameen”.

Dhinaca kale waxaa uu Af-hayeenku uu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uu isna dhiniciisa ka waramay doorkii taariikheed ee deegaaanada Sool ay ku lahaayeeen Halgankii Guumaystaha Ingiriiska laga kicinayey dalka Iyo waliba sida oo kii Xornimadii Luntay ee Midawga  Somaliya ay Dib ugu soo noqonayeen,waxaana uu shegay in madaxweynuhu uga waramay wax yaahaba hada ka dawlad ahaan ay sida aadka ah ugu mashquul santahay.isaga oo balana qaadayna inuu wax kala qaban doono baahiyaha kala  duwan ee kajira Deegaanadana sool

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS