Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Laga Diiday Codsi Uu Hogaanka xusbiga kulmiye iyo Xukuumada oo la aamustay Dhaqalihii shirka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Laga Diiday Codsi Uu Hogaanka xusbiga kulmiye iyo Xukuumada oo la aamustay Dhaqalihii shirka
April 27, 2014 - Written by Editor:

Xukuumada madaxwayne siilaanyo oo caanku  ah sitabcayta ayaa waxay ku fashilantay baaji shirwaynaha xusbigii ay kasoo baxday kadib markii ay dhaqaalihii kala aamustay xili hawlihii oo dhan lagalay gudoomiyaha xusbiga kulmiye muse bixi cabdi oo markii u horaysay dhaqaalaha shirka ku baxaya isagu bixiyay si uu uga badbaado fashilkii shanaad ee xisbiga dhexdiisa.

HARGEISA(WAJAALENEWS);Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in uu ka codsaday hogaanka sare ee xisbul xaakimka KULMIYE, in dib loo dhigo shirweynaha Seddexaad ee xisbiga ee lagu wado in uu beri si rasmi ah uga furmo magaalada Hargeusa.

Illo wareedyo xogoggal ah oo u dhuun dalloola arrimahan ayaa WAJAALENEWS u sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, uu geed dheer iyo geed gaaban-ba uu u fuulay oo uu si isdaba jog ah ugu baryootamay in dib loo dhigo shirka xisbiga ee beri furmaya, isaga oo dooday in saami qeybsigii ergooyinka beeshiisa aan weli lgu heshiin oo muran aad weyni uu ka taagan yahay.

Warku waxa kale oo intaa ku daray codsiga Madaxweyne ku xigeenka ay gaashaanka
ku dhufteen hogaanka sare ee Xisbiga KULMIYE, oo cadeeyay in aanay suurtagal ahayn marnaba in shirka xisbiga ee bari furmaya aan dib loogu dhigayn codsiga uu Madaxweyane ku xigeenku ka dalbaday, sidaana uu ku furmi doono beri.

waxa jira beelo door ah oo ku muransan saami qeybsiga ergooyinka beelahaa uga qeyb galaya shir weynaha Seddexaad ee xisbiga, kuwaas oo sidoo kale u muuqda in aan loo joojin doonin furitaanka shirweynaha xisbiga ee beri furmaya. Waxaana si weyn caawa looga dareemayaa magaalada Hargeisa qabanqaabadda shir weynaha Seddexaad ee xisbul xaakimka beri ka furmaya Hargeisa.

Si kastaba ha ahaatee, lama oga saamaynta ay ku yeelan doonto qabsoomida shir-weynaha Seddexaad ee xisbiga ee la qoondeeyay in uu beri furmo dalabkan laga diiday Madaxweyne ku xigeenka

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS