Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kana Warbixiyay kulamo uu La yeeshay Madaxda Dalka Ethiopia | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kana Warbixiyay kulamo uu La yeeshay Madaxda Dalka Ethiopia
April 18, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS);Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ka war bixiyey kulan muhiim ah oo uu la qaatay madaxweynaha dalka Ethiopia, waxaanu faah faahin dheeraad ah ka bixiyey qodobo ay ka wada hadleen

Madaxweynaha ku xigeenka Somaliland oo ka hadlaya kulankii uu la qaatay madaxweynaha dalka Ethiopia ayaa waxa uu yidhi “Waxaan mudo

ilaa lix maalmood ah ku maqnaa wadanka Ethiopia aniga oo hawlo gaar ah u tagay, hadana qofka madaxda qaranka ahi marka uu meel tago waxa dhacda inuu la kulmo madax kale duwan, waxaan shalay la kulmay madaxweynaha dalka Ethiopia oo aanu aad uga wada sheekaysanay xaalada geeska dhinaca nabad galyada iyo iskaashiga ka dhaxeeya somaliladn iyo Ethiopia, runtiina si aad ah ayey inoo danaynayaan, waynu ognahay inay Ethiopia tahay wadanka Koowaad ee ay somaliland sida dhaw u wada shaqeeyaan, si wanaagsan ayaanu isku af garanay aniga iyo madaxweynaha wax badan oo ka jira gobolkana waanu iska waraysanay, waxaanu na farayey fariin la xidhiidha dhinaca nabad galyada.”

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay inay ka wada hadleen galitaankii ay ciidamada Somaliland gudaha u galeen Taleex, waxaanu sheegay inay dawlada Ethiopia ku qanciyeen inaanay Somaliland wax dhibaato ah ka wadin deegaanadaasi waxaanu yidh “Runtii waanu ka wada hadalnay arimaha la xidhiidha in ciidamada Somaliland taleex gaadheen, waxaanan u sheegnay inaanay somaliland wax dhibaato ah doonayn arintaas aanu u tagnay Taleexna ay ahayd in dadka reer Somaliland aanay dhibaato danbe ku dhicin oo nabad galyadooda la ilaaliya horu markana la gaadhsiiyo, waanay ku qanceen markaanu nidhi wax dhibaato ah ma wadno, waxaanse diidanaynaa inay meeshaas ka abuuranto dad dhibaato keenaya.” Ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

 Ugu danbayntiina madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay inay kalsooni dheeraad ah ku qabaan in bishan gudaheeda la qabto shirweynihii xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo mudo dhawr goor ah dib u dhacay

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

COMMENTS
LINKS