|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kana Warbixiyay kulamo uu La yeeshay Madaxda Dalka Ethiopia
April 18, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(WAJAALENEWS);Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ka war bixiyey kulan muhiim ah oo uu la qaatay madaxweynaha dalka Ethiopia, waxaanu faah faahin dheeraad ah ka bixiyey qodobo ay ka wada hadleen Madaxweynaha ku xigeenka Somaliland oo ka hadlaya kulankii uu la qaatay madaxweynaha dalka Ethiopia ayaa waxa uu yidhi “Waxaan mudo Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay inay ka wada hadleen galitaankii ay ciidamada Somaliland gudaha u galeen Taleex, waxaanu sheegay inay dawlada Ethiopia ku qanciyeen inaanay Somaliland wax dhibaato ah ka wadin deegaanadaasi waxaanu yidh “Runtii waanu ka wada hadalnay arimaha la xidhiidha in ciidamada Somaliland taleex gaadheen, waxaanan u sheegnay inaanay somaliland wax dhibaato ah doonayn arintaas aanu u tagnay Taleexna ay ahayd in dadka reer Somaliland aanay dhibaato danbe ku dhicin oo nabad galyadooda la ilaaliya horu markana la gaadhsiiyo, waanay ku qanceen markaanu nidhi wax dhibaato ah ma wadno, waxaanse diidanaynaa inay meeshaas ka abuuranto dad dhibaato keenaya.” Ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland. Ugu danbayntiina madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay inay kalsooni dheeraad ah ku qabaan in bishan gudaheeda la qabto shirweynihii xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo mudo dhawr goor ah dib u dhacay
WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related posts:Afhayeenka Ururka Suxufiyiinta Ee SSJW Oo Ka Hadlay Xaalada Guud Ee Saxaafada Somaliland Iyo Tirada... DAAWO;-Wasiirada Isgaadhsiinta Jabuuti Iyo Somaliland Oo Kala Sexeexday Heshiis Dhinaca Iskaashiga ... DAAWO;-Wasiir Kamid Ah Waftigii Ka Socdey Dawlada Deegaanka Somalida Ethiopia Oo Bogaadiyay Shirwey... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|