|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku-xigeenka oo shahaadoyin Guddoonsiyey 33 Arday oo shahadada Master ah ka qaatay Jaamacada Hope.
April 9, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(WAJAALENEWS);Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil (Saylici) ayaa Maanta Shahaadooyin Guddoonsiyey 33 Arday oo ka qalinjabiyey Jaamacada Hope University ee Xarunteeda Hargeysa, Jamacadan ayaa Xidhiidh la leh Jaamacada Kampala University oo ka jirta dalka Yugandha, Ardaydan Qalinjabisay ayaa Diyaariyey Shahaadada loo yaqan Master iyo Degree kuwaasi oo muddo diyaarinayey. Munaasibadii ay ardaydu ku qalinjabinayeen ayaa waxa ka qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Saylici, Wasiirka Warfaafinta iyo dhaqanka Cabdilaahi Cukuse, Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibada, Wasiirudawlaha Waxbarashada, iyo Masuuliyiin kale, walidiin, Xildhibaano, Ardaya Jamacada Hope iyo Marti sharaf kale oo aad u badan. Kuliyadaha Ay Ardaydani ka qalinjabiyeen ay kala ahaa Kuliyada Caafimadka, Kuliyada Siyaasada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, Kuliyada Ganacsiga, Kuliyada Barashada Horumarka. Guddomiyaha Jaamacada Hope University Prof: Najiib Cabdi kariim oo ugu horeyn ka hadlay Munaasibadaasi ayaa faahfaahin ka Bixiyey herarkii kala duwanaa ee ay soo martay jaamacadu iyo Tirrada ardayda ee ka qalinjabinaysa oo uu sheegay in ay u badan yihiin Kulliyadda Caafimaadka. Najiib waxa uu sheegay inay guul weyn u tahay Jaamacadda Hope University inay shahaadooyinka Masterka ah gudoonsiiso dufcadii 7aad ee ka qalinjabiyey Jaamacadaasi waxanu yidhi. “Guul iyo sharaf weyn bay noo tahay inay Jaamacadda Hope maanta halkan shahaadooyinkii ay mutaysteen ku gudoonsiinayso dufcadii 7aad oo qaadanaya shahaadada Master-ka, runtii 2009 ayey ahyad marka aanu heshiiska la galnay kambala University oo ugaandha ah, casharadu waxay bilaameen 2010 kii labbadii sanaba waxa qalinbaniyey dufcad qoladani waxay noqonaysaa, dufcadii saddexaad ee Master Degree Progrem ka qalinabaniya.”Ayuu yidhi. Prof: Nagiib waxa uu sheegay in markii ugu horeysay ay jaamacada Hope ka qalinjabinayaan 4Qoys oo muddo waxbarashada wadadhiganayey, kuwaasi oo ku guulesytay in ay shahaadadii ay qaatan. “Waxan halkan ka sheegaya oo aan Hoosta ka Xariiqaya 4Qoys oo odeygii reerka iyo Hooyadii reerku mar wada qalinjabinayaan waa mid inagu cusub, laakiin waa mid la sameyn karo oo Qoyskii oo shaqeysanaya oo hadda gurigii arimihiisi iyo ubadkii korinay in ay waxbartan oo waliba ay mar wada qalinjabiyaan waa mid muhiim ah oo sida maanta dhacday la sameyn karo, haaddii aan Hortiina soo jooojiyo Dr Jinaw waa Hooyo Xaas ah iyo Odeygeedii Dr. Bashiir ayeynu arkayna iyaga oo mar wadaqalinabinaya, Labbada Qoys ee Xaasaska ahina waa Maxamed Cilmi Ilkacase iyo Nafiisa Yuusuf, oo iyaguna maanta wada qalinjabinaya, marka Bulshada reer Somaliland waxaan leeyahay ku deyda waa kudaysho wanaagsane. “Ayuu yidhi. Waxaa isaguna madashaa ka hadlay Anwar Cabdiraxaan Warsame oo ku hadlayey Afka Ardayda qalinjabinaysay ee shahaadooyinka lasiinayey waxaanu sheegay inay farxad weyn u tahay isaga maadaama ay ardaydu u soo wakiisheen inuu magacooda ku hadlo madashana uga soo gudbiyo dareenkooda farxadeed ee ay qabaan. Waxa isaguna madashaa ka hadlay arday kale oo ku hadlayey isla magaca ardayda Jaamacadda Hope University waxaanu erayadiisa si fariin ahaan ah ugu sheegay Madaxda Somaliland oo uu madashaa u matalayey Madaxweyne ku-xigeenka in ay shaqaalaysiyaan madama ay muddo dheer waxa baranyeen oo ay dalka u baranayeen , isaga oo sheegay in ay ka cabanayaan Wasarada caafimadka gaar ahan Cisbitalka guud oo ay doonayen in ay ka hawlgan muddo dheer ay fursad u layihiin. Wasiirka Wasarada warfaafinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir [Cukuse] oo isaga Munasibadaasi ka hadlay ayaa Hambalyo u diray dhammaan ardaydii ka qalinjabinaysay Jamacadaasi waxanu yidhi. “ dhammaan Hambalayo ayaan idin leeyahay waayo dadaalkii aad soo marten ayaad ka midho dhaliseen. waxaanu ardayda maanta shahaadooyinka la siinayey ku hambalyeeyey kaalint ay bulshada u leedahay mihnadda caafimaadka ee ay soo barteen balse waxa uu xasuusiyey inay jiraan dad si gaara u qiimeeya tayada caafimaadka sida ururka dhakhaatiirka Somaliland iyo gudiga caafimaadka balse aanay xukuumadu u gacan dhaafaynin dadka shaqadaasi haya”Ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Saylici ayaa gabogabadii la hadlay ardayda isaga oo ugu hambalyey guusha ay gaadhen ee ay ka midho dhaliyeen Muddo dheer dadaalkii ay ku jireen, waxaanu illahay uga barayey in ay noqdaan qaar dalkooda anfaca, waxa kale oo ka hadlay xaalada wadanku marayo iyo sida aanay surto gal u ahayn in dhammaantood xukumada Somaliland ay wada shaqaalisiiso, isaga oo xusay in dhaqaalaha waddanku uu marayo 152 milyan oo Dollar oo uu sheegay in nay tahay miisaniyadii ugu danbeysay sidaasi daradeedna magaalooyin ku yaala wadamada hore maray ay miisaniyadoodu intaasi oo kale tahay, in kasta oo uu sheegay in xukumadu dadaal weyn ugu jirto sidii dhammaan shaqo ay u helihayeen dadka reer somaliland gaar ahaan ku jaamacadaha ka soo baxay. Waxanu yidhi. “waxaan soo jeedinayaa in aynu iskaalmaysano sida diintu inoo sheegayso taas ayeynu ku soo nabad iyo caano maalay, waxaan leeyahay da’yarta Somaliland waa in ay ku samraan shaqo la’aanta waxaanan leeyahay waa-ladoogiye yaan la dacaroon, shalay waxaad ku jirteen guryo wada dunsan waxaanad ku badasheen daaro dhaa-dheer oo qur-quruxbadan kadibna waxaad ku fikirteen inaad gaadhaan heerkan aad maanta maraysaan oo ah inaad qaadanaysaan shahaadadii Master-ka” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mr Saylici. Dhanka kale waxa shahaado sharafyo la gudoonsiyey Saddex Qof oo ay jaamacadu maamus ahaan u siisay oo ka ah Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraman Saylici, Siciid Maxamed Siciid (Dahabshiil) oo lagu maamusay kaalinta ay kaga jirto shirkada Dahabshiil Horumarinta Bulsahda, iyo Xaaji Cabdikariin Xuseen Cabdiwaraabe oo isaga lagu siiyey Nabadeynta ummada Somaliland Gabogabadii Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ayaa shahaadooyin gudoonsiyey dhammaan ardaydii.
WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Gudida Sare “Boardka” Shirkada Laydhka Sompower Ayaa Bulshada Usoo Bandhigay Maraaxilkii Ay Soo Ma... Madaxweyne Biixi Oo Maxkamadda Sare U Gudbinaya Dalab Ah In Ay Markale Qaraar Kasoo Saarto In Dooras... “Waanu Ognahay In Ciidamada Somaliland Yihiin Kuwo Ugu Mushaharka Yar Aduunka, Ugu Adkaysiga Badan D... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|