|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland Oo Digreeto Madaxweyne Ku Magacaabay La Taliyaha Madaxweynaha Ee Arimaha Hay’adaha Caalamiga Ah Iyo Kuwa Maxaliga Ah
April 15, 2014 - Written by Editor:Hargeisa(WJN)Warsaxaafadeed Kasoo Baxay Madaxtooyada Somaliland Kuna Saxeexanyahay Afhayeenka Madaxtooyda Axmed Saleebaan Dhuxul Ayaa Madaxweyne Siilaaanyo Ku Magacaabay Lataliyaha Madaxweynaha Ee Arimaha Hay’adaha Caalamiga Ah Iyo Kuwa Maxaliga Ah,Warsaxaafadeedkan Ayaa U Dhiganaa Sidan: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2414/042014 ku magacaabay La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah; Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagadan; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Ku-qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah. ALLAA MAHAD LEH
Wajaalenews.net hargeisa/office Related posts:Golaha Wasiirada Jsl Oo Shir Deg Deg Ah Ka Yeelanaya Go,aanka Ay Xukuumadu Markale Ka Qaadanayso Shi... Xoghayaha Ganacsiga Ee Xisbiga Wadani Oo Looga Yeedhay Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Iyo Xogaha Lag... “Golayaasha Deegaanada Waa Loo Baahnaa In Dhiig Cusub Lagu Talaalo, Si Kor Loogu Qaado Tayadooda”Siy... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|