Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay Xadhigii Qunsulka Soomaaliya ee dalka Kenya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay Xadhigii Qunsulka Soomaaliya ee dalka Kenya
April 29, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horreysay ka hadlay xadhiggii ay ciidamada booliiska dalka Kenya u geysteen Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya, Siyaad Maxamuud Shire, xadhigaas oo mugdi geliyay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa arrintaas awgeed u yeedhay danjiraheeda Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Cali Ameerika si wax looga weydiiyo xariga Qunsulka iyo xaaladda xarigga lagu hayo Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

“Xadhiga Qunsulka waa mid aad uga xunnahay, waa mid nasiib-darro ah, waana kasoo hor-jeeda sharciyada iyo xeerarka dublamaasiyadeed ee caalamka, waa mid ka horimaanaya xiriirka labada dal, danjiraha waa u yeernay, warbixin ayuu naga siinayaa,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay inay wali ku jiraan warbixin uruurin ku saabasn falalka lagu hayo Soomaalida dalka Kenya ku nool iyo weliba xariga Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya; iyadoo markaas kaddib kala hadli doono xukuumadda Kenya.

Dowladda Kenya ayaa wax jawaab ah ka bixin cabashada dowladda Somalia ee ku aaddan xarigii Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ay u geysteen ciidamada ammaanka Kenya, taasoo mar keliya gilgishay gabi ahaan madaxda dowladda Soomaaliya ayna si adag uga hadleen.

Ciidamada Kenya ayaa tan iyo horraantii bishan waxay howlgallo lagu qabqabtay in ka badan 4,000 oo qof oo Soomaali ah ka sameeyeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kuwaasoo qaarkood dib loogu soo celiyay Muqdisho, halka kuwo kalena ay weli ku xiran yihiin xabiyada Nairobi

COMMENTS
LINKS