|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha JSL, Silaanyo, Waxa uu Tacsi u Dirayaa Qoyskii, iyo Shacbiga Reer Somaliland, Ee uu ka Baxay Marxuum Xaaji Cabdi Jaamac Xayd
April 25, 2014 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNe IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN HARGEISA(Wajaalenews;)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdi Jaamac Xayd oo ku geeriyooday 25/04/2014, Magaalada Hargeysa. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Odayaashii iyo Ganacsatadii Reer Hargeysa qayb weyna ka soo qaatay nabadayntii iyo dhismaha wadanka. Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) Related posts:“Farmaajo Malaha Wuxu U Haystaa Berbera, Odaygii Adeerkii Ahaa Amaano Uu Noogu Dhiibay” Cali Guray War Deg Deg Ah:Roobaba Cabsi Galiyey Dadka Ku Nool Gobolka Sool Oo Ka Da,ay 24Sacadooda Ee Lasoo Dha... Warbaahin Caalamiya Oo Saadaalisay In Ruushku Uu Saldhig Ka Samaysanayo Berbera, Marka Ciidammada Ma... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|