|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Silaanyo Oo caawa Qasriga Madaxtooyada Kulan soo dhawayn ah kula yeeshay Masuuliyiintii ka soo diga rogtay Xisbiga UCID
April 19, 2014 - Written by Editor:War-saxaafadeed HARGEISA(WAJALEENEWS);Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu caawa Qasriga Madaxtooyada Kulan soo dhawayn ah kula yeeshay Masuuliyiintii ka soo diga rogtay Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, kuna soo biiray Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye. Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay Xubnahaasi ayaa ahaa mid la xidhiidha soo dhawayntii iyo ku biiritaankii Xisbul xaakimka Kulmiye ay ku soo biireen laguna qaabilay Xaflad balaadhan 17/04/2014 kii oo ka dhacday Hotel Maansoor. Xubnahaasi ayaa Madaxweynaha uga waramay waxyaabaha ay ku doorteen xisbiga kulmiye iyo Taageerada Xukuumada oo ay sheegeen in hogaanka xukuumadu uu ka dhabeeyey barmaamijkii wax-qabad ee ay ummadda u soo bandhigeen markii ay Ololaha ku jireen, waxay sheegeen in xukuumada talada haysa ee uu hogaaminaayo Axmed Maxamed Silaanyo mid fursad u ahayd shacbiga Somalilandna ay helaan horumar muddo gaaban ku yimid oo u hiiliyey guud ahaanba shacbiga Somaliland horumarkii ay ka sugayeen xukuumadan. Waxaa kale oo ay xubnahaasi xukuumada ku amaaneen siyaasada Arrimaha Dibeda iyo siday u qorshaysay oo dhab ahaantii soo bandhigay rabitaanka iyo doonitaanka madaxbanaanida Somaliland, taasi oo noqotay ta-ay ku go’aan-qaateen in aqoontooda, taageeradooda, iyo wax-tarkoodaba ay la barbar istaagnadaan Xukuumadda Axmed Maxamed Silaanyo uu hogaamiyaha ka yahay iyo Xisbiga kulmiyeba. Intaasi ka dib Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, wuxuu uga mahadnaqay sida wadaniyada leh ee ay u qiimeeyeen hawlihii ay xukuumadu u xilsaaranayd waxay ka qabatay. Waxa uu sheegay Madaxweynuhu in talaabo kasta oo horumara oo dalkeena iyo dadkeena loo qabtaa, inay tahay mid wax ka-taraysa noloshooda, dhaqaalohooda, iyo Dawladnimadoodaba. Isaga oo intaasi ku daray Madaxweynuhu inuu u taagan yahay isaga iyo xukuumadiisuba sidii ay wax ugu soo kordhin lahaayeen dalkan iyo dadkaba. Ugu danbayntii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu xubnahaasi ku dhiirigeliyey go’aankaasi ay qaateen ee ay ku soo bireen Xisbiga Kulmiye waxaanu ku soo dhaweeyey inay ka qayb-qaataan horumarkaasi soconaya, midnimo iyo guul ayuu ku soo gabagabeeyey Madaxweynuhu hadalkaasi. Waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey kulanka Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyO Wasiirka Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.
ALLAA MAHAD LEH Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) Related posts:War Deg Deg Ah Daawo: Xildhibaan Naasir Cali Shire oo Hada Ka Hadlay Xilka Qaadista Lagu Sameeyay Daawo:Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga Wadani Oo Ka Sheekeeyay Dablay Xalay Ku Weeraray Mind... Daawo:Gudoomiyaha Sariflayaasha Magaalada Hargaysa Oo Kahadlay Sarifka Doolarka Ee Cirka Isku Sharee... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|