Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa lagu wadaa in uu dhawaan kulan foll ka fool la yeesho madaxweynaha Mareykanka Barac Obama | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa lagu wadaa in uu dhawaan kulan foll ka fool la yeesho madaxweynaha Mareykanka Barac Obama
April 16, 2014 - Written by Editor:

Jabuuti(WJN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa lagu wadaa in uu dhawaan kulan foll ka fool  la yeesho madaxweynaha Mareykanka Barac Obama sida ay daaabacday Barta Internetka ee AFP.

Aqalka Cad ee looga arimiyo dalka Mareykanka    ayaa sheegay in madaxweynaha Jabuuti uu la kulmi doono madaxweynaha  Mareykanka bisha May 5teeda.

“Madaxweynuhu waxa uu filayaa in uu madaxweyne Geele kala xaajoodo arimo dan u ah labada dal oo ay ka mid yihiin dhinacyada amniga,ladagaalanka argegixisaada,horukaca,ganacsida iyo shidaalka”sidaa waxa yiri afhayeenka Aqalka cad ee Mareykanka Jay Carney.

Ciidamada Mareykanka ee ku hawlan ladagaalanka argegisida Bariga Africa iyo Yemen ayaa xarruntoodi tahay dalka Jabuuti.

Mareykanka ayaa dhawaan xeradoodii ciidamada circa eek u tiilay garoonka duyuuradaha Jabuuti uga guuray sababo la xiriira si duyuuradaha  aaney cidi duulin iyo kuwa xamuulku  aaney isugu dhicin.

Dawlada Jabuuti Ayaan ilaa iyo haatan ka hadal safarka madaxweynahU  ku tegeyo dalka Mareykanka kulana kulmayo madaxweyne Obama.

Wajaalnenews.net

xafiiska wararka hargeisa

COMMENTS
LINKS