|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Somaliland Oo Sheegay In Uu Soo Dhawaynayo Xidhiidhka Dublamaasiyadeed Ee Dalka Kenya
April 30, 2014 - Written by Editor:Hargeisa(wajaalnews)Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo xidhiidh diblomaasiyadeed oo kobcaya oo u bilaabmaya wadamada Somaliland iyo Kenya. Qoraal gaaban oo la geliyay barta uu Madaxweyne Siilaanyo ku leeyahay twitterka, ayaa wuxuu ku sheegay inay dawladda Kenya xafiis diblomaasiyadeed dhawaan ka furan doonto magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. “Somaliland waxay diyaarinaysaa inay xidhiidh diblomasiyadeed oo adag la yeelato Jamhuuriyadda Kenya.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu intaas raaciyay, “Xafiis diblomaasiyadeed ayay deg deg uga furanaysaa Hargeysa.” Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa dhawaan sheegtay inay toddobaadkii hore magaalada Hargeysa yimaadeen diblomaasiyiin ka socota wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, kuwaas oo indha-indhaynayay sidii ay xafiis diblomaasiyadeed uga furan lahaayeen magaalada Hargeysa. Weftiga reer Kenya waxa weheliyay wakiilka Somaliland u jooga Kenya Dr. Maxamuud Cabdillaahi Jaamac (Sifir).
Wajaalenews.net Hargeisa/office Related posts: “Halkan Ka Daawo Madaxwayne Siilnyo Waxuu Igu Yidhi Hadii Aad Doonayso In Aad Siyaasi Noqoto Iska I... DAAWO;-Suldaan Mawliid Sabayso Oo Dhaliilo Culus Ujeediyay Golaha Guurtida, Baaq Nabadeedna Udiray B... DAAWO; fanaaniinta Yurub Geenyo & Sir Maxamuud Cumar Oo si wada jira ah u soo Saaray Heesta Cusub Ee... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|