|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Somaliland Oo Sheegay In Uu Soo Dhawaynayo Xidhiidhka Dublamaasiyadeed Ee Dalka Kenya
April 30, 2014 - Written by Editor:Hargeisa(wajaalnews)Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo xidhiidh diblomaasiyadeed oo kobcaya oo u bilaabmaya wadamada Somaliland iyo Kenya. Qoraal gaaban oo la geliyay barta uu Madaxweyne Siilaanyo ku leeyahay twitterka, ayaa wuxuu ku sheegay inay dawladda Kenya xafiis diblomaasiyadeed dhawaan ka furan doonto magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. “Somaliland waxay diyaarinaysaa inay xidhiidh diblomasiyadeed oo adag la yeelato Jamhuuriyadda Kenya.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu intaas raaciyay, “Xafiis diblomaasiyadeed ayay deg deg uga furanaysaa Hargeysa.” Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa dhawaan sheegtay inay toddobaadkii hore magaalada Hargeysa yimaadeen diblomaasiyiin ka socota wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, kuwaas oo indha-indhaynayay sidii ay xafiis diblomaasiyadeed uga furan lahaayeen magaalada Hargeysa. Weftiga reer Kenya waxa weheliyay wakiilka Somaliland u jooga Kenya Dr. Maxamuud Cabdillaahi Jaamac (Sifir).
Wajaalenews.net Hargeisa/office Related posts:M/wayne Silanyo Oo Dhambaal Codsi Ah U Diray Boqorka Dalka Sucuudiga Kana Codsaday In Uu Xayiraada K... Itoobiya Oo Noqotay Wadankii Ugu Horeeyey Ee Shacabka Somaliland ku Hambalyeeya Maalinta Qaranimadoo... Ma Jirtaa Faa'iido La Taaban Karo Oo Maayarka Gabiley Ka Keenay Safarkii Uu ku Tagay Dalka Sweden ? ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|