Madaxwaynaha JSL Axmed Siilaany Oo magacaabay Guddida Qaban-qaabadda Xuska 18 May | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha JSL Axmed Siilaany Oo magacaabay Guddida Qaban-qaabadda Xuska 18 May
April 8, 2014 - Written by Editor:

War-saxaafadeed

HARGEISA(Wajaalenews);Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/MG/241-2387/042014 ku magacaabay Guddida Qaban-qaabadda Xuska 18 May, oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Cali Maxamed Warancade.

 

MAGACAABID.

 

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha      (Guddoomiye)        Hargeysa

 

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta            Hargeysa

 

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Wax-barashadda iyo Tacliinta Sare         Hargeysa

 

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta                                                   Hargeysa

 

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska    Hargeysa

 

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta                          Hargeysa

 

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka                                                    Hargeysa

 

Ku:      Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda                      Hargeysa

 

Ku:     La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dadka laga tirada badan yahay Hargeysa

 

Ku:      Maayarka Caasimadda Hargeysa                                                          Hargeysa

 

Ku:      Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac                                  Hargeysa

 

Ku:      Mudane, Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)                             Hargeysa

 

Ku:     Xubin Ka mid ah Isu-tagga Dallada Hay’adaha Aan Dawliga ahayn (SONSAF) Hargeysa

 

 

 

Ujeeddo:      Magacaabid Guddida Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

 

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

 

Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska sanad guuradda 23aad ee maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May, maalintaas oo mudan xus iyo xusuus gaar ah.

 

Sidaas darteed, waxa aan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida heer Qaran ee Qaban-qaabadda Xuska Sanad-guuradda 23aad ee maalinta Qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

 

Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qaranimo iska saari doonnaan xuska maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxa aan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

 

 

ALLAA MAHAD LEH


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
LINKS