Madaxwaynaha Dalka Maraykanka Oo Maanta Booqanaya Dalka Malaysia. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Dalka Maraykanka Oo Maanta Booqanaya Dalka Malaysia.
April 26, 2014 - Written by Wariye:

obamaMalaysia(Wajaale News):-Madaxweynaha dalka Mareykanka, ayaa maanta gaadhi doono dalka Malaysia, taasoo qeyb ka ah safarka uu ku marayo qaaradda Aasiya.

Booqashadiisa ayaa kusoo beegmaysa  iyadoo dalalka koofurta galbeed ee qaaradda Aasiya ay baadigoob xoogbadan ugu jiraan sidii ay usoo heli lahaayeen diyaaradda lawaayay ee Malaysia ay leheyd.

Mareykanka ayaa sidhow ugala shaqeynaayay dowladda Malaysia raadinta diyaaradda, wuxuuna ka taageeray dhulka ay sheeganayaan ee koofurta badda Shiinaha oo muran uu ka taagan yahay.

Mr Obama ayaa rajeynayo in uu sameeyo xidhiidh ka xoogbadan kan hadda ee labada dal ka dhexeeya, booqashadiisan ayaa siixoojinaysa  in la kordhiyo ganacsiga ka dhexeeyo Mareykanka iyo Malaysia.

Mr Obama waxa uu noqonaayaa madaxweynihii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo booqdo dalka Malaysia muddo 48 sano ah

kadib.

Waxay calaamad u tahay, isu soo dhawaanshaha labada dalka, kadib tobannaan sano oo uu khilaaf u dhexeeyay reer galbeedka iyo hogaamiyihii hore ee Malaysia Mahathir Mohamad.

Balse waxbadan ayaa iska badalay dalka Malaysia oo dadka ugu badan ay yihiin Muslimiin, kadib markii 1966-dii uu booqday madaxweyne hore ee Mareykan.

Hogaamiyihii Malaysia ee xilligaasi ayaa diiday googoradaha gaaban, Jeega xiir (Timaha oo si kala dheer loo jaro) iyo xijaabyada midabka kubadan yahay, kuwaas oo xilligaa ahaa wixii la xiiseynayay. Ayaa dhaliyay in ganacsiga Malaysia oo kasoo wareego dhanka reer galbeedka uuna u wareego dhinaca Shiinaha.

Madaxweyne Obama ayaa hadda lafilayaa  in safarkiisa uu si fiican wadada ugu xaadho  in Malaysia iyo 10 dal oo kale uu la saxiixdo heshiis ganacsi xor ah oo loo bixiyay wadashaqeynta Pacific-gga.

Heshiisyadaasi ayaa loo arkaa in la isku deyaayo in la diciifiyo galaangalka Shiinaha.

Balse, dadka Muslimiinta ee Malaysia ayaa ku doodaya in xidhiidhka  ganacsiga xorta ah uu baabi’inaayo xuquuqdooda dhaqaale ee ay la wadaagaan bulshooyiinka kale ee dalkaasi.

Waxa ay sidoo kale Mr Obama ku eedeynayaan inuu Muslimiinta diidan yahay, sababo la xidhiidha  siyaasadaha Mareykanka ee Bariga-Dhexe.

Wajaale News
Hargaisa Head Office
Email;wajalenews@gmail.com
Reporter;Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS