Madaxeyne Ku Xigenka Somaliland Oo Ka Qayb Galay ,Kulan Lagaga Hadlaayey Sidii Loo Hir Galin Lahaa Siyaasada Maamul Dadijinta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxeyne Ku Xigenka Somaliland Oo Ka Qayb Galay ,Kulan Lagaga Hadlaayey Sidii Loo Hir Galin Lahaa Siyaasada Maamul Dadijinta
April 7, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA (WAJAALENEWS);kulan lagaga hadlaayey wax qabkii sanadkii hore ee mashruuca ay fuliyaan dawladaha hoose ee loo yaqano (JPLG) ayaa maanta lagu qabtay hotel maansoor.

Waxana xafladan ka soo qayb galay madaxweyne ku xegenka somaliland ,wasiirka wasarada caafimadka ,wasiirka wasarada biyaha wasiir ku xigenka arimaha gudaha mayaarada uu mashuurcan (JPLG) gu uu ka socado iyo madaxada hay,adaha tageera mashruucan.

Sidoo kale waxaa isna munaasibadaas ka halday wasiir ku xigenka aminga ee wasarada arimaha gudaha somaliland Cisamaan Garaad Soofe waxana uu ka sheekeyey mar xaladihii uu soo maray mashruucani oo uu sheegay in uu soo maray marxalado kala duwan balse iminka uu noqday mid hanaqaad ah waxana uu yidhi
Ugu danbeentiina waxaa munaasiban ka hadlay soona gunaanaday madax weyne ku xigenka jamhuuryada somaliland Cabdiraxman Cabdilahi Saylici waxana uu sheegay in uu marka ugu horaysa uu u mahad naqaayo deeq bixaayayasha mashruucan taageera oo uu ku tilmaamay in ay ku bixiiyaan lacag aad u badan loona baahan yahay sidii looga faa,iidsan lahaa mashruucan oo uu ku tilmamay mid hada si wacan u socada waxana u yidhi”waxaa aynu haysanaa siyaasada maamul daa,dijin ah oo la ansixiyey ,golahii deganka oo la doortay iyo gudi wasiiro ah oo loo xil saaray oo u xil saran fulinta siiyaasada kana go,aantay in ay siyasadani dhaqan gasho sidaas darted waxay ka dhigi doontaaa in si haboon loo filyo siyaasadii maamul daajinta waxyaabaha ugu miihiim san ee maamul daadijinta lagu tijaabiyey si horumar loo gaadho gaar ahaan xaga waxbarashada wasaarada waxabarasha iyo sadex degamo ee Boorma Berbera iyo Burco ay ka mid yahiin waxayna kala sexeexdeen sidii loo daa,dijin lahaa qaybo ka mid ahaa maamulka waxbarashada dugsiyada hoose hiishiis kaasina waxaa uu noqday bilwaga dhaqan galin maamul daa,dijinta qaranka waxana mahada iska leh wasarda wax barashada iyo masuulyiinta sedexdaas degmo” Si kastaba ha ahaatee mashruucan (JPLG) ga ayaa noqaya mid xooga logu saaro sidii loo hir galin laahaa ama loo dhaqan galin ahaa maamul daadijnta oo hada sadex degamo tijaabo uu ku yahay mashruucani.
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS