Madaxdii gobolka gabiley oo uu ugu horeeyo maayarka iyo badhasaabka oo looga yeedhay xarunta CID da ee magaalada hargeisa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxdii gobolka gabiley oo uu ugu horeeyo maayarka iyo badhasaabka oo looga yeedhay xarunta CID da ee magaalada hargeisa
April 9, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)Sida ay sheegayaan Wararka ay helayso Shabakadda Wararka ee Qurbejoog.co, Waxa Habeenkii Xalay ilaa iyo shalay Galabnimadii Xarunta CID-da magaalada Hargeysa Soo Gaadhay Madaxda Sare ee Gobolka Gabiley, kadib markii Laga Gudbiyey Dacwad ka timi Dhinaca Ethiopia.

Ragga Halkaas Looga Yeedhay si Su’aalo Loo Weydiiyo ayaa wax aka  mid ah Badhasaabka, Maayarka, Taliyaha iyo Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Gabiley,  iyo Beeraha ee Gobolka Gabiley, kuwaas oo dhammaantood Su’aalo Darran doorri ah laga Weydiiyey Su’aalo La Xidhiidha Haddidaad  ay sheegteen Saraakiil Ethiopian ah oo Dhawaan lagu Qabtay Kantaroolka Kala Baydh ee Gobolka Gabiley.

Saraakiisha Ethiopian-ka ah  oo markaas ka yimi dhinaca Garoowe, ayaa sheegtay inay masuuliyiinta Gabiley ay u Geysteen Dhibaato badan, isla-markaana ay Baadheen oo ka Qaateen Documents muhiim ahaa iyo Lacago, iyagoo intaas ku daray in loola Dhaqmay si Ka Baxsan Diblomaasiyadda.

Madaxda Gabiley  oo la Yaabban Dacwaddan loogu Yeedhay, ayaa la sheegayaa ina dafireen inay wax Tacaddi ah u Geysteen Madaxdaas Ethiopiank-ka, waxana ay ku doodeen inay Kaliya weydiiyeen Sharciyaddii ay dalka ku soo Galeen iyo waliba Taarikaddii Gaadiidka ay wateen oo ka maqnayd.

Ma aha Madaxda oo kaliya cidda loo Aaneeyey Dhibka ay  ethiopianku Sheegteen, Balse waxa Ilaa iyo Haatan Magaaladda Hargeysa ku Xidhan xubno ka Mid ah Askartii Kantaroolka joogtay xilligii Saraakiishan la joojiyey.

Dawladda Ethiopia ayaa la sheegayaa inay si weyn uga Cadhootay Tallaabada ay ciidanka Somaliland ku Joojiyeen Sarakiishooda, waxana ay dacwad u Gudbiyeen Somaliland, taas oo Keentay in Dhammaanba Madaxdii Gobolka Gabiley Looga Yeedho Xarunta Dambi Baadhista CID-da.

 

Wajaalenews.net

Xafiiska wararka hargeisa

COMMENTS
LINKS