Madaxda Gobolka Gabiley Iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Gobolku Ma Oga Ayax Biqilka Jaray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxda Gobolka Gabiley Iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Gobolku Ma Oga Ayax Biqilka Jaray
April 22, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA WAJAALENEWS ;Waanu joogaa ilaa lix bilood-ba, sidaasi awgeed ayaxu waa mucjiso dalalka caalamka ku wareega oo raxmaanku diray
Wali lama hayo golaha xukuumadda iyo wasaarada beeraha iyo hay’addaha masiibooyinka dabiiciga ah oo ku howlan qorshe lagula dagaalamo duulaanka ayaxa xaalufiyey goboladda galbeedka dalka.

Sidoo kale, madaxda gobolka gabiley heer gobol ilaa gole deegaan iyo mudanayaasha labada aqal guurti iyo wakiilo inta gobolka wax isbidaa wali kamay hadal qaarkoodna maba oga ayaxa xaalufiyey sogsogtii qoyanayd iyo biqilkii uu horeeyay ee Raxmaadka alle ku soo cagaaray.Haddab, waxaan leeyahay masuuliyiinta gobolada galbeedka Somaliland ee marooji-jeex gabiley, Awdal, Salal, Hawd, shantaas gobol-ba wuu xaalufiyey ayaxu.

Waanu joogaa ilaa lix bilood-ba, sidaasi awgeed ayaxu waa mucjiso dalalka caalamka ku wareega oo raxmaanku diray.Sidaa darteed ma jirto cid dabar goyn kartaa Alle Mooye.

Haddaba, waxan u soo jeedinayaa dowladda ahaan waa in loo bandhigaa hay’addaha Qaramadda midoobay iyo dalalka afrikada Barri inay inaga kaalmeeyaan la dagaalanka ayaxa, waana in laga helaa hay’adda qaramadda midoobay diyaaradaha u gaarka ah ee lagula dagaalamo ayaxa.

Sidaasi awgeed hala ogaado ayaxu waa masiibo qaranka oo awood caalami lagula dagaalamo ee maaha mid shirjaraaid iyo cambaarayn u baahan.

Mowliid Aadan Cumar

Hargeysa/Somaliland

Tell: 4410898

 

COMMENTS
LINKS