|
|||||
WAJAALE NEWS
Maamulka Cusbitaalka Hargeisa iyo Laamaha Danbi Baadhista oo aan Wali wax Natiijo ah kasoo Saarin Gabadh mayd ah laba cisho taala Kacdoono Eheladii Gabadha oo Lafilayo Inay bari Hadheeyaan bukaan Cusbitaalka Guud
April 8, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(WAJAALENEWS);Waxaa maalintii shalay ahayd ka dhacay magaalada hargeisa fal noociisu ku yar yahay dalka somaliland falkaasi oo sobobay inay ku geeriyooto gabadh dhalinyaro ah oo sheikh dadka dabiibaa ku qabtay electric laydh kaasi oo marxuumad oo maceedu ugbaad ku hoyaytay,waxaana saldhiga loo taxaabay sheekhii hawashan fuliyayninkan sheekha ah oo ahaystay cilaaj kuyala xafada jigjiga yar Hadaba wararka nagsoo gaadhay cusbitaalka hargaysa ayaa laga darinayaa xaalada qalafsan ee u dhaxaysa ehelkii inanta geeriyootay dhalay iyo wadaadkii ay xaruntiisa falku ka dhacay dadwayanaha ayaa waxay ilaa shalay ka war sugayeen baadhitaan ay sameyaan dhakhaatiirtu iyo waliba laamaha baadhista oo ay hawshani qusayso ehelada marxuumada ayaa ila manta waxaa hortagaan inay wax rabshada sameeyan odayaasha, beesha ay gabadhu ka geeriyootay dadaal badana u galay sidii aan looga hor dhicin natiijada oo ay sugayaan labada dhinacba . Dumar iyo caruur gadoodsan ayaa ilaa manta hortubnaa cusbitaalka hargeisa iyago laga dareemayo murugo sobobi karta inay dhakhtarkaba lawareegaan hadii aan xukuumadu ilaa bari soo saarin wax natiijo ah oo dawo u noqon kara ehelada marxuumada Xukuumada ayaa wali wax maaro ah u helin arintan iyadoo hore ay dhakhtarka hargaysa ay u gadhacen kacdoono dadwayne aan lagu qancin ehelkoodii kuwaasi oo sobobay markii danbe dhimasho iyo dhaawac baahsan oo arintii sii cakira. Wixii kasoo kordha arinta kala soco wajaalenews HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Isbarbar dhiga Xukuumadihii Rayaale, Siilaanyo iyo golaha Madaxweyne Muuse Biixi & faraqa u dhax... DAAWO : Milicsiga Ballan-Qaadyadii Madaxweyne Siilaanyo Ee Dhicisoobay Iyo Balanqaadkii Madaxbanaan... “Ta Kale Maydkiisa In La Gubo Waxa Ka Fiicnayd In Aas Qaran Loo Sameeyo, Ilayn Waa Boqor La Dilay eh... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|