KULMIYE: HALKEE LAGA WADAA HALKEE SE LOO WADAA MUJ CALI GUREY (Qaybtii 5aad) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
KULMIYE: HALKEE LAGA WADAA HALKEE SE LOO WADAA MUJ CALI GUREY (Qaybtii 5aad)
April 24, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS);KULMIYE run ahaantii waa xisbi ka kooban xisbiyo. Sida ay dadka qaar u haystaan Kulmiyaha xisbi xaakimka ihi na maaha kan labada sarkaal ee SNM ahaa ay u kala sareeyaan ee xaruntiisu ay ka dambayso Dugsiga Dhalinta Kacaanka ee waa ka xukuumadda ee xarunntiisu ay tahay Qasriga Madaxtooyada.

Waxa jira KULMIYE kale oo laftiisu aan musqaro ahayn marka ay tahay go’aaminta talooyinka KULMIYE. Kaasi na waxa oday ka ah Saleebaan Gaal oo uu gacan yare u yahay Wasiirka Dualistu. Sida aynu ognahay kulmiyaha Saleebaan ayuu ahaa kii xaliyay khilaafkii loolanka madaxtinimada ee ka dhex aloosanaa xisbiga waxanu ku dhex dhexaadiyay in cid walba halkeeda loo daayo oo aan lagula tartamin, taas oo dabcan si toos ah uga horimanaysa DASTUURKA xisbiga KULMIYE. Waana barta ugu horeysa ee muranku ka kici doono marka shirwaynuhu uu furmo, hadii uu furmo ba 28 bishan.

Hadii sida ay u badan tahay Gudoomiye Muuse uu halkiisa xejisto ku xigeenkiisu wuxu noqon karaa uun  Maxamed Kaahin ama Xasan Gaafaadhi oo labadu ba ka soo jeeda reerka madaxwaynaha. Hadii ay sidaa wax u dhacaan markaa waxa meesha ka baxaya shakigii laga qabay musharxnimada odayga ee doorashada 26 June 2015 ka, hadii ay wakhtigeeda ku dhacdo.

In kasta oo aanay jirin haba yaraato eh sababo muuqda oo keeni kara dib u dhac ku yimaada xiliga doorashada hada na waxa jira werwer badan oo laga qabo in uu markan odaygu ku guulaysan karo doorasho xor ah oo xalaal ah waayo cid abitayt u haysa inay mar kale u codaysaa hadii ay jirto ba maaha dad faro leh oo ku filan in odayga magaciisa shan sanadood oo dambe ay casaabadda ku xeerani ku sii xukunto dalka,

 In kasta oo siyaadiyiinta caydinka iyo cago baruur yada ah ee madaxtooyadu aanay sidaa u arkayn ama ay ku xisaabtami karaan inay gacantooda ugu jirto awoodo ay khasab tooda ugu meel marsan karaan. Sidaa daradeed, marka ay tahay talada casaabadda ku takriga fasha awoodaha madaxwaynaha doorashada aynu malaysan karnaa waa mid ka sii wax is dabo marin iyo ku shubasho  badan tii aynu ogayn ee golayaasha degaanka. Waayo waxay qabaan in waxa dhici karaa ay tahay sidii tii hore ba dad dhalin yaro u badan oo waxooga buuq ah sameeya oo marka lagu dalbado RRU da oo dhawr ka mid ah la dilo ay markaa xaaladdu iska degi doonto hawshoodiina ay halkoodii ka sii wadan doonaan. Lakiin waxa jira shakhsiyaad kuwaa waxoogaa garsho dhaama oo iyagu na leh”waar maya odayga doorkan cidina dooran mayso eh laba sanadood ha loo kordhiyo” si musharax la isku raaci karo intaa loo diyaariyo xisbigu na uu dib ugu soo noqdo gacanta reerkii lahaa ee ilaa dahabkii dumarkooda u iibiyay. Garo oo markaa murashaxa madaxwaynuhu waxa laga soo xuli doona dhinaca doogada si huruudu na xisbiga ula hadho weli ba is xulafaysigii huruuda iyo doogadu na uu ku badbaadi karo oo sii jiri karo. Kuwan dambe hadii ay toodu u suurto gasho waa jar lakiin sua’aashu waxay tahay muddo kordhin aan gar iyo sharci midna ahayn ee jujuub iyo shan farood iyo calaacal ah ma aqbali karaan mucaaridku, gaar ahaan murashaxiinta labada xisbi ee mucaaridka ah iyo taageero yaashoodu. Hadii ay aqbalaan markaa musharixiinta mucaaridku shaxda waa in ay dusha ka guraan waayo wax meesha u ooli kara oo ay ka sugaan uma taalo

QALINKII MUJ CALI GUREY

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS