khilaafka wasaaradaha xukumada axmed siilanyo oo sii kordhaya iyo madaxwayne siilanyo oo aan ilaa hada ka jawaabin qaar khilaafkoodu kor u dhaafayo sanad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
khilaafka wasaaradaha xukumada axmed siilanyo oo sii kordhaya iyo madaxwayne siilanyo oo aan ilaa hada ka jawaabin qaar khilaafkoodu kor u dhaafayo sanad
April 1, 2014 - Written by Editor:

hargeisa(Wajaalenews)Khilaafyada u dhexeeya waaxyaha xukuumadda Somaliland ayaa u muuqda inay isa soo tarayaan, waxaana banaanka u soo baxaya is-mariwaaga ka dhexeeya masuuliyiinta xafiisyada isaga hoosaysa.Khilaafyadan ayaa inta badan u

dhexeeya wasiirada, wasiir xigeenada iyo agaasimayaasha guud. Tusaale ahaan bil ka hor waxa si kor xaadis ah lagu xaliyay khilaaf u dhexeeyay wasiirka kalluumaysiga iyo agaasimihiisa guud oo si ba’an iskugu maandhaafay hawlaha maamulka xafiiska, waxaanu

murankoodu gaadhay in wasiirku agaasimaha guud ka joojiyo shaqada, inkastoo markii dambe la xaliyay.
Toddobaadkana, wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo cilmi baadhista Md. Aaden Axmed Warsame ayaa shaqadii ka joojiyay

agaasimaha guud ee wasaaradaas. Si rasmi ah looma garanayo sababta.
keentay shaqo ka joojinta agaasimaha guud, waxase la malayn karaa inuu la xidhiidho dhinaca maamulka iyo awoodda.

Labadan agaasime ee shaqada laga joojiyay waxa ka horeeyay laba agaasime guud oo iyagana shaqada laga joojiyay, waxa kale oo iyaguna jira masuuliyiin kale oo uu is qabqabsi noocan ahi ka dhexeeyo balse aanu murankoodu banaanka u soo bixin.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa March 2010, wakhtigii uu mucaaradka ahaa la xasuustii sidii uu madaxweynihii

hore Daahir Rayaale Kaahin ugu cambaareeyay khilaaf maamul oo wakhtigaas dhex maray wasiirkii caafimaadka Cabdi Haybe iyo

agaasimihiisii guud Anwar Maxamed, isagoo Axmed Siilaanyo, khilaafkaas ku tilmaamay mid curyaaminaya dawladda oo

muujinaya sida ay xukuumadda Daahir Rayaale u kala socoto. Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ayaa khilaafkaas uu

Axmed Siilaanyo wakhtigaas ku dhalilay wuxuu kaga jawaabay isku shaandhayn uu ku sameeyay xubno ka mid ah golihiisii

wasiirada, gaar ahaan kuwa uu muranku dhex maray. Laakiin Madaxweyne Siilaanyo ayaa la eegayaa bal sida uu u xaliyo

khilaafaadka xukuumadiisa ka dhex jira oo u muuqda inay soo noq-noqonayaan.

Wajaalenews.net

COMMENTS
LINKS