Khataraha Maldahan; qalinkii Muxiyadin Jamac Xirsi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khataraha Maldahan; qalinkii Muxiyadin Jamac Xirsi
April 19, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WJN);Siddii cadada inoo ahayd waxaynu mawduuceena kubilaabaynaa, bisinka ilaahay iyo saliga nabiga(CWS)  oo ah shay waajiba inaynu wax kasta oo aynu qabanayno uga dhigno furitaan.

Sida lagawada warqabo waxa dhawanahan dhagheena buux dhaafiyey khatar aan nooceda hore loo arag oo kayaabisay shacabka reer Hargeysa kuna noqoty ama kaag iyo yaab, taas oo ah khatarta cilaajyada oo caafimaadkii dadka masakinta ah kaganacsi uga faaiidaysta

Waa adiga, waa aniga Waa inaga waa dawladeena, waa Culimadeena waa Cuqaasheena, cida masuuliyadu kasarantahay ilaalinta shacabka masaakinta ah ee baahiyahooda caafimaad lagaga faaidaysanayo  waxan aan waxtar muuqda oo aan latabankaro aan ulahyan dadkan masakiinta ah.

7/4/2014 Maalin isniina waxa Magalada Hargeysa kadhacay falkii ugu xumaa oo ah fal aan hore noocisa loo arag oo yaab iyo ama kaaga ku riday shacbiga Reer Hargiesa,markii nin sheikh sheegana oo cilaajku haysta Xaafada Ibaraahim Koodbuur Gaarahaan xafada Ganad uudil ugaystay Marxuumada  Cilaajkiisa Loogeyey uu udaweeyo oo uu shaydaamo uga saaro, intaas kadibna ay dhacday inuu laydh ku qabtay  sida uu sheegay uu jinka kaga saarayey, dabadeedna  ay dhacday in uu marxuumadi qudha kajaray, waxa dadwaynaha goobtaas dagani ay sheegen inuu dadka laydhka walihgiiba kuqaban jiray oo dadbadani dhibmutaan, balse inay ianantani nafteedi macaanayd kuwaday. Haddaba waxa is waydiin mudan goorma ayuu laydh dilaaya oo aynu wada ognahay dhibtiisa uu caafimad galay, waa jaahilnimo, waa damiir xumo waa fikir yar oo gaaban oo ay aamin sanyihiin ragan cilimadda magacooda ku maxaafsanaya ay aamin sanyihiin, waa mid kamida masiibooyinka kubaabahy wadankeena hooyo balse bulshdeenu aanay kawar qabin ama aanay fahansanyn khatarahan maladahan, Tusaale ahaan Magalaada Hargeysa oo kaliya waxa kuyaala inkabadan 200 oo cilaajo kaladuwan ah oo midiba magac gooniya oo sifar shaxan nimo kudhaahantahy uu ugu xardhay hoortiisa si uu, umada masakiinta ah shilimada yare e jeebkoofa ku jira kaga furto.haddaba waxay dhibi kataagan tahay majirto cid qiimaysay cilmigoo da ay uleeyiin shaqadan ama dabiibkan iyo daawaynta aybixinayaan,taasina marka dhinac laga eego waxay ina tusinaysaa fadhiidnimada labada wasaaradood ee hawlahan kudhaqo leh, sida Wasaarada Caafimaada iyo  Wasaarada diinta iyo awqaafta Jamhuriyada Somalaind. Haddaynu ku horayno sida ay hawlaha labadan wasardood ukala leeyihin bal aynu ku horayno wasarada Caafimaaadka: Shaqadani waa mid kamida shaqooyinka loo igmaday ee ay ayahayd inay uqabato shacbiga doortay, maxayeelay nimanka cilaajyada maamula ama kaganacsadaa waxay sheegtaan dhakhtarnimo aan lagaranayn halka aykuso barteen hadaynoqoto iskudaaweyna quraanka kareemka ama dibig kale ee ay shaqadan u isticmaalayaan, majirto wax takhasusaad ah, ama shahaado caaafwaxa la aqoon saday inyar mooyane inaanay haba yaraate jirin wax ay garanayaan balse ay kafaa iidaysteen dhoohananta shacabka iyo xukuumadan haatan taagan oo an daba gala samaynayn.waxa dadka Caasimada ama gobolada Somaliland kunool ay isku raaceen ama laga wada qarwaa inay jidh dil arxan daro ah ugaytsaan dhibanaha loo geeyo,Cabaar marka ay qofka sidaas kuwadaan ee ay awooda qofku hoos udhacdo waxay ubilaabanaa ama ayku daldalaan kiniini daroogo ah oo aan caafimaadka qofka waxba kataryn sida, kiniinadaasna waxa ugu caan san oo lawada og yahay (Kiniinka hurdada) oo isna cawaaqibtiisa danbe leh, waxana  uu sobobaa in marka qofka cilaajhka lagasoo saaro ee gurigoodi lageeyo inay hurdaduba kaguurto oo qofku halkaas caafimaad daro kale kasoo wajahdo.

Dhanka kale iyana Wasaarada Diinta iyo awqaaftu iyagu waxay ka gaabisay oo any daba gal kusamayn raga sheekhyada sheeganaya cilmigooda diined halka uu gaadhsiisan yahy liisan Wasaarada Makahaystaan iyo inay waxan ay dadka ku dawaynaaa xidhiidh la leeyahy sidii wanaagsanayd ee ilaahay yidhi quraankiisa iskugu daweeya iyo dhirtan ay leeyihn waxbanu dadka kudaweynaa inay tahay wax jira iyo halka ay kakeenen dadkan ay laydhka ku dawaynayaan.guntii iyo gaba gabadii Madax iyo shacbibiba arinta hala gurmado oo haloo kuur kalo khatarahan Maldahan ee ayaanan badideen dareen sanayn, Xukumada haatan jirtana halmid ayaa looga baahan yahay taas oo ah inay kawae hayso caafimaadka umadan dooratay, waxa kale oo loo bahanyahay inay labada wasaradood ee arintani khusayso ay iska kaashadaan, Wasaarada Diinta iyo aqfaata, iyo Wasaarada Caafimaadka ayna Magacaaban Gudi laba dhinac ah oo arintan daba gasha, Qiimeysana yaa Cilaaj Furankara yakhibradeeda leh, yaa Caafimaadka dadka damaanad qaadaya.

Fiira gaara: Qoruhu Maqaalkan cidgaara Mabartilaamedsanyo mana abaarayo, balse waxa kaliy ee uu wax ka iftiiminayaa dhibaatada wadanka kajirta ilaahay baa mahadleh

Qalinka: Muxiyadiin Jaamac Xirsi  Hargeysa Somaliand

New Generation University Collage Hargiesa Main Campus

Faculty of Business Economics

Department of Human Resource Management and Leadership

COMMENTS
LINKS