|
|||||
WAJAALE NEWS
Khamiisle-horaad Markii Baadi ‘Pago’ loo qoray:Boobe.Y.Ducale
April 1, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews);Sheekooyinku meel kasta oo ay ka dhacaanba si uun ayay isugu eg yihiin. Ma-hadhooyinka aynu beryahan dambe u nool nahay waxa ka mid ah sheeko-baraleyda ku aroorta hanka iyo himilada Ictiraafka ee Somaliland. Waxaad iska mooddaa in uu beryahan dambe iska noqday wax lagu dawarsado oo meelahaa lala meeraysto shamac yar oo huraya oo la yidhaahdo: “Waxaanu raadinaynaa Ictiraafkii.”Waxay hawshan dhiillada lihi ku badan tahay Qurbo-joogga oo aad mooddo intan dambe in ay hadimadoodii ku badan tahay hagardaamaynta Qarankan curdinka ah. Mar waa qof suke ah ama keli ah oo hadba meel dayaarad u raacaya oo leh Ictiraaf ayaan raadinayaa. Marna waa Guddiyo dal ama magaalooyin oo iyaguna ku doodaya Ictiraafkii ayaanu raadinaynaa. Ayaan-darrada taallaana waxay tahay ma ogin wax Ictiraaf ah oo aynu meel ku aragnay oo ka dib inaga lumay. Qarankan waa la xoreeyay. Waa yagleelay. Waa la dhisay. Dhidibbada ayaa loogu taagay xinjirtii geesiyaashii naftooda u huray. Intaa ka dib wax badan ayaa loo hirgeliyay. Waxyaabaha aan suuro-gelin ayuu Ictiraafku ka mid yahay. Ictiraafka lama raadiyo ee waa la samaystaa. Waa hawl u taal hadba dawladda qaranka hoggaaminaysa iyo shacbigaba. Dawladdu kaalin hoggaamineed ayay ku leedahay, shacbiguna taageerid iyo guubaabinba waa uu ku leeyahay. Somaliland waa xaqiiqo dhab ah oo ka jirta caalamka, gaar ahaan Geeska Afrika. Qayb ayay ka tahay nabadda iyo xasilinta adduunka iyo Geeskaba. Deggenaansheheennu, la-macaamilka aynu adduunka la leenahay muxuu inoo gooyaa? Waa in aynu is-iibinnaa. Waa in aynu qabyadeenna gufaynnaa. Waa in aynu dawlad hay’ado ku dhisan oo aan afka baarkiisa iyo hebello ambanaya ku dhisnayn isu dhignaa oo aynu noqonnaa. Beryihii aanu SNM-ta ahayn, ku-sinnaan 1983kii oo aanu yagleelaynay saldhigyadii SNM, ayaanu Harar ku arki jirnay nin Itoobiyaan ah oo Asafe la odhan jiray. Ereyadii Dhaantada ahaa ee ninkaa loogu tiriyay baadiyaha kililka 5aad ayaa waxaan ka sii xusuustaa: Asafow askar ma I qoraysaa? Beryahaas Asafe ciidammada qori jiray ka hor ayaa Talyaanigu mar haysan jiray geyigaas. Wuxu bilaabay in uu reer miyigii ciidammo ka qorto. Sidii qoraalkii ciidammada loo waday ayaa maalintii dambe waxa liiskii lagu daray nin la odhan jiray Cali-baadi oo duhurka cad lumi jiray. Dadkii ayaa mar keliya ku baraarugay ninkii odeyga ahaa ee Cali-baadi ee aan waxba loo dirsan jirin oo ciidammadii ka tirsan. Ka dibna waxay Dhaantadii ku tumeen: Markii Baadi ‘Pago’ loo qoray, Maxaa Baando baahi loo qabay. (Pago waa mushaharka af Talyaaniga) Ma maanta ayay xukuumaddeennii demmen-daahyo-rogan la shir-timid Tuulo Ingiriiska ku taal ayaa ina ictiraaftay oo lacagtii wadhatada wufuud loogu dirayaa. Dab liqaanu idin nidhi. Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, Dhammaad Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|