Jaaliyada reer Somalilamd Ee U,S,A Oo Soo Dhaweyse Xoghayaha arimaha dibeda xisbiga mucaarid , WADDANI Dr. Mohamed Osmaan Fadal | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jaaliyada reer Somalilamd Ee U,S,A Oo Soo Dhaweyse Xoghayaha arimaha dibeda xisbiga mucaarid , WADDANI Dr. Mohamed Osmaan Fadal
April 13, 2014 - Written by Editor:

HHARGEISA(WAJAALENEWS);Jaaliyada reer Somaliland ee kudhaqan gobolka OHIO ayaa maalintii bishu ahayd 4/5/14 siheersare aha ugu soo dhaweeyey gobolka xoghayaha arimaha dibida Dr.Mahamed Osman Fadal

 

Taasoo uu habeenimadi sabtida ahayd kalaqaybgalay xaflad aad looga soo shaqeeyey dhamaan jaaliyada reer Somaliland iyo taageerayaasha xiabiga mucaaridkaa Ee WADDANI

Dr. Mahamed fadal wuxuu warbixin aad uqoto dheer iyo arimaha siyaaseda xusbiga iyo ta xukuumadaba uga waramay jaaliyada halkaas ku dhaqan waxaana hadaladiisii kamid ahaa

Isagoo kahadlay dhowr qodob ugu horeyn ta doorashada wadanka lafilaayo in ay ka qabsoonto iyo mudo kordhinta la hadl hayo , xaalada dalku halkay  mareyso Iyo hadafkooda siaasadeed Ee ku aadan sidii ay ku hanaan lahaayeen talada wadanka. Intaas kabacdi Waxaa kaloo iyana madashaas ka hadashay marwo Muna Fidhin oo aha Gudoomiyaha guud we xisbiga WADDANI ee USA waxaana warbixn  guud  kabixisay halkay arimaha xisbigu mareyaan iyo wax yaabihii uqabsoomay muddadii uu xusbigu jiray iyo halkay maanta tayadiisu mareyso.

Waxa isna goobtaas joogay gudoomiyaha laanta Nashville,Tennessee Mudane Yusuf Abdilaahi oo isna ka hadlay arimaha gobolka Tennessee sidii ay u soo aasaasmatry iyo horuumarkay kagaadheen  taagerayaasha xisbiga. Waxa isla goobtaas furtayba oo si diiran martida madasha ugu soo dhaweysey marwo Safiya Jaamac oo ah gudoomiyaha gobolka Ohio hadal kooban oo soo dhaweyna ka jeedisay madasha iyadoo u mahad naqaysa dhamaan taageerayaasha xisbiga iyo shacabka reer Somaliland ba.

Waxaa kaloo ay Gudoomiye Safiya jamac mahad gaara oon lasoo koobin karin u maamuustay dhamaan intii kala soo shaqaysay soo dhaweynta xoghayaha xisbiga Ugu horeyn madaalaha ruug cada ahaa ee mudane Abshir Garow,  mudane Mawliid Ibrahim Warsame oo ah xubin dhalinyara iyo marwo Faadumo Hasn

Amaan oo laantood aan madashani suurto gasheen waxaaney cadeeyeen in ay ka goantahay taagerada xusbigu wax kastay tahayba. Waxaa kaloo iyana goobtaas ka hadlay dad farabadan oo mucaarid iyo muxaafidba le iyagoo halkaas kajeediyey qudbado dhaxal gala iyo suaalona ku weydiiyey xoghayaha xisbiga Dr. Mahamed O Fadal.

Guntii iyo gebo gebadii xaflaaasi waxay kusoo dhamaatay weji farxad le oo gelisey reer Ohio fir fircooni dheeraad ah.

COMMENTS
LINKS