Jaaliyada Magaalada Shefeild Ee Dalka Ingiriiska Oo Sheegay In Ayna Soo Gaadhin Lacagtii Loogu Soo Dhiibay Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Ee Loogu Talo Galay Qaban Qaabada Xafladii Aqoonsiga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jaaliyada Magaalada Shefeild Ee Dalka Ingiriiska Oo Sheegay In Ayna Soo Gaadhin Lacagtii Loogu Soo Dhiibay Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Ee Loogu Talo Galay Qaban Qaabada Xafladii Aqoonsiga
April 11, 2014 - Written by Editor:

shefeild(wajaalenews)Jaaliyada Somaliland ee gobolka Sheffeild ee dalka UK ayaa sheegay in aanay arag wax lacag ah oo Xukuumada Somaliland ugu soo dhiibtay wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale si loogu bixiyo kharashaadka xafladii loogu dabaal degayey aqoonsigii Sheffeild u fidisay Somaliland oo soo gaadhay jaaliyadooda.

Hase yeeshee Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale oo isagu dafiray inuu jaxaastay lacagtaasi loogu dhiibay xafladii Sheffeild ayaa mar uu u waramayey qaar ka mid ah warbaahinta waxa uu tilmaamay in lacagtaasi markii ay ka bixiyeen kharashaadkii isaga iyo wasiirka arimaha dibada ku baxay intii ay ku sugnaayeen Sheffeild inuu baaqigii ku wareejiyey Jaaliyada.

 

“Warkii ugu dambeeyey ee layaabka lahaa waxa uu ahaa intii aniga iyo wasiirka khaarajigu aanu tagnay oo xukuumadu ay dhalinyaradii iyo jaaliyadii reer Sheffeild oo kharash badan galaysay oo casuumado badan samaynaysay ay xukuumadu iigu dhiibtay in aan 20,000 dollar u geeyo oo waliba ay ku jirto kharashkaygii aniga iyo wasiirka dibado oo hotelkii aanu galaynay oo laga goynayey oo markii aan labaatankii kun u geeyey shakhsiyan wixii kalena waxa ay ku fuliyeen hawlihii ay galayee”

wajaalenews.com

xafiiska wararka hargeisa

COMMENTS
LINKS