Inka badan 100-qof Kooxda Oo Boko Xaram Ay Ku Dishay Dalka Nigeria | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Inka badan 100-qof Kooxda Oo Boko Xaram Ay Ku Dishay Dalka Nigeria
April 14, 2014 - Written by Editor:

Nigeria(WJN)Kooxo loo maleynaayo in ay ka tirsan yihin Ururka Boko Haram ee kasoo horjeeda Dowladda Nigeria ayaa dad badan oo rayid ah ku laayey dalkaas.

Xildhibaan laga soo doorto gobolka Borno oo ku yaalla xadka Nigeria la wadaagto dalka Cameroon ayaa sheegay in dad gaaraya 135-qof la dilay tan iyo arbacadii lasoo dhaafay, iyadoo lagu laayey saddex weeraro kala duwan oo dhacay.

Goobaha la weeraray waxaa kamid ahaa machad lagu tababaro macalimiinta, waxaana kooxihii hubeysnaa ay dab-qabadsiiyeen qeybta maktabadda ee machadka.

Dadka la dilay waxaa ku jiray haween, waxaana Dowladda Nigeria weli wax war ah kasoo saarin falkan u dambeeyay.

Kooxda Boko Haram waxaa lagu eedeeyay in ay laayeen dad ka badan kun qof tan iyo markii uu bilowday sanadkan.

 

wajaalenews.net

hargeisa/ofice

COMMENTS
LINKS