Ikraan Jaamac Oo La Sii Daayey Iyo Gudoomiyhii Xidigaha Geeska Oo Wali Xidhan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ikraan Jaamac Oo La Sii Daayey Iyo Gudoomiyhii Xidigaha Geeska Oo Wali Xidhan
April 12, 2014 - Written by Editor:

hargeisa(WJN)Ciidamadda Booliiska ayaa sii daayey Fanaanada Ikraan Jaamac oo ay xidheen iyada iyo Guddoomiyaha Kooxda Xidigaha Geeska kadib markii ay ka soo laabteen safar ay ku tageen magalaadda Muqdisho.

xidaga geeska
Ka hor sii daynta Fanaanadan waxa Xukuumadda ka dalbaday in la sii daayo Afhayeenka kooxda fanka ee Xidigaha Geeska Maxamed Miyir X. Cigge waxaanu sharaxaad ka bixiyey Xadhiga Xubno ka tirsan Kooxda Xidigaha Geeska oo ilaa 3 maalmood ku xidhan Hargeysa ka dib safar Muqdisho ay kaga soo laabteen. Gudoomiyaha Kooxda Xasan dhuxul Laabsaalax ayaa ka mida Xubnaha Xidhan. Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Kooxda ayaa u dhignaa sidan:- “Mudane Madaxwayne: Aniga oo ku hadlaya magaca fanaanta qaranka,gaar ahaan kooxda Xidigaha Geeska, waxaan halkan kuugu soo gudbinaynaa cabasho ku waajahan xadhig aanu u aragno in aanu meesha qaban oo lagula kacay Xubno ka tirsan Kooxda. Mudane.Madaxweyne sida la wada ogsoon yahay waxaa xusid mudan kooxda Xidigaha Geesku waa Fanaaniin ku adag wadaniyadooda, Qadiyadooda iyo calankoodaba marka laga hadlayo mabda’a madax-banaanida Somaliland. Waxaanay mar kasta ku caan yihiin inay ka qayb qaataan wacyi-galinta bulshadooda iyo sidii ay ugu dhiiri-galin lahaayeen dhismaha iyo Iskaashigaba. Waxaana dhacday in Xubno kooxda ka mid ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Kooxda Xassan Saleebaan (Laabsaalax), ay dhawaan socdaal dibadeed u baxeen ka dib markii uu soo baxay qorshe ay doonayeen inay Barnaamij ku geeyaan laba qaaradood oo kalla fog waa Maraykanka iyo Ustareeliya oo badanaa lagu tababaro Fanka Afrika. Islamarkaana ay innaga immika inoogu horayso. Safarkaasi waxaa ay ku sii mareen Magaaladda Muqdisho ee dalka Soomaaliya oo ay uga sii gudbayeen magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya. Balse, waxaa xaalad ka dhan ah Soomaalidu ka dhacday Kenya. Taasina waxa ay qasabtay inay magaaladda Muqdisho ka soo noqdaan. Iyaddoo intii ay halkaa joogeena ay ilaaliyeen qiimaha wadanka iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland ee ay magaceedda ku faanayaan, lamina soo helayo, barnaamij ay Muqdisho ku qabteen, cid ay xataa u heeseen ama la galeen wax heshiis ah. Sidaas darteed, mudane Madaxweyne iyo guud ahaan Masuuliyiinta ay khusayso waxaanu kaa codsanaynaa in xubnahan xoriyaddooda loo soo celiyo.

 

wajalenews.net

xafiiska warar hargeisa

COMMENTS
LINKS