Hogaamiyaha Ugu Sareeya Ururka Al Qaacida Oo Fariin Dardargalin Ah Hawlaha Dagaalka Ah Usoo Diray Xarakada Alshabaab | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hogaamiyaha Ugu Sareeya Ururka Al Qaacida Oo Fariin Dardargalin Ah Hawlaha Dagaalka Ah Usoo Diray Xarakada Alshabaab
April 19, 2014 - Written by Editor:

Al kaida(HNA)Hogaamiyaha AL-Qaaciadad Caalamka ee Ayman al-Zawahiri ayaa cod vedio ah oo laga baahiyay baro taabacsan Ururka AL-Qaacida waxa uu fariin ugu diray dhamaan Xarakaatka ku xiran Shabakada AL-Qaacida , isagoo ka dalbaday in ay dardar galiyaan dagaalka ka dhanka ah waxa  uu ugu yeray cadowga Muslimka.

Sheekh Ayman al-Zawahiri oo ka hadlayay dhamaan Ururada AL-Qaaciad xiriirka la leh waxa uu soo hadal qaaday Xarakada Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta ayaa waxa uu sheegay in looga baahanyahay in ay sii xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Somaaliya.

Hogaamiyaha AL-Qaacida Ayman al-Zawahiri ayaa sheegay in Ururka AL-Qaacida uu ka gacansareeyo maryakanka marka loo eego dagaalka lagana soo bilaabo dagaalka ay dowlada Maraykanka biowday ee ay ugu magac dartay la agaalanka Argagaxisadda 13 sano ka hor  markii ay dhaceen bishii September 11, 2001,.

“Qofka gacanta sare iska leh waa qofka aan ka bixin dhulkiisa yaa ka baxay Ciraaq ma anaga mise dad kale yaa ka baxay afgaanistaan ma anaga mise iyaga” sidaasi waxaa yiri Hogaamiyaha AL-Qaacida Ayman al-Zawahiri.

Hogaamiyaha AL-Qaacida Zawahiri ayaa sheegay in Madaxweynaha Maraykanka Brack  Obama uu ogyahay in Ururka AL-Qaacida uu sii fidayo .

Zawahiri ayaa ugu danbayn ka dalbaday Ururada AL-Qaacida ku xiran ee ka dagaalama wadamada Sooamaliya, Yaman, Ciraaq, Masar Afghanistaan in ay sii laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah waxa uu u gu yeeray dowladaha Reer galbeedka.

 

Wajaalnenews.net

Xafiiska wararka hargeisa

COMMENTS
LINKS