Gudoomiyihii Xidigaha Geeska Iyo Qaar Ka Mid Ah Fanaaniinta Oo maanta Lagu xidhay Madaarka Hargeisa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyihii Xidigaha Geeska Iyo Qaar Ka Mid Ah Fanaaniinta Oo maanta Lagu xidhay Madaarka Hargeisa
April 8, 2014 - Written by Editor:

hargeisa(Wajaalenews)Waxa Madaarka Diyaaradaha Ee Magaalada Hargaysa Goor Dhawayd Lagu Xidhay Guddoomiyaha Fanaaniinta Xidigaha Geeska Xasan Saleebaan Dhuxul Iyo Fanaanada Ikraan Jaamac Ismaaciil Oo In Muddo Ah Ku Maqnaa Magaalada Muqdisho.

Dad Goob Joog Ka Ahaa Falkan Ayaa U Sheegay Shabakada Caalamiga Ah Wajaalenews In Fanaan La Waydiiyey Su,Aalo La Xidhiidha Baasaboorka Soomaaliya Oo Looga Shakisan Yahay In Ay Sitaan Iyo In Kale Kaas Oo Aan Laga Ogolayn In Lala Soo Galo Gudaha Somaliland  .

Ilaa Hadda Ma Cada In Labadan Fanaan La Siin Hayn Doono In Xoriyadooda Loo Soo Celin Doono.

Dhawr Maalmood Ka Hor Ayaa Ay Ahayd Markii Fanaanada Ifraax Hargaysa Sidan Oo Kale Loogu Qabtay Madaarka Hargaysa Iyadoo Markaasi U Sii Jeeday Dhinaca Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Kooxda Xidigaha Geeska Iyo Qaar Ka Mid Ah Fanaaniinta Xidigaha Geeska Aya Maalmihii Ugu Dambeeyey Ku Sugnaa Magaalada Muqdisho Iyadoo Wali Aanay Cadayn U Jeedka Dhabta Ah Ee Ay Halkaasi U Tageen.

 

walaalenews.net

xafiiska wararka wajaale

COMMENTS
LINKS